Xildhibaan NAC-NAC Oo Ku Baaqay Inaan La Dhayalsan Xanuunka Covid_19

0
430
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa ka hadlay xanuunka Coronaviruska oo sababay in hal qof ugu dhigto Somaliland, halka dad kalena u jiifaan, waxaanu soo jeediyey in aad la isku ilaaliyo, oo taxadir iyo feejignaan dheeraad ah laga yeesho xanuunkan.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), oo u warramay WargeyskaGeeska Afrikaayaa sidoo kale ka hadlay jaadka la joojiyey, waxaanu ugu horeyn yidhi “Haddii awalba dhayal loo haystay xanuunka Coronaviruska, maantanaba waa taas oo qof ugu geeriyooday Somaliland, marxuumkaas u geeriyooday iyo umadda kale ee islaamka ah ee xaqu u yimid ALLE ha u naxariisto, waxaan Shacabka uga digayaa in aanay is dhigan oo aanay xanuun fudud ka soo qaadin xanuunka Coronaviruska, ee ha ogaadan halistiisa iyo dhibaatada uu keeni karo, oo ah inay dad badani u leedaan, waxaan kale oo aan leeyahay wax kasta oo lagu kala qaadi karo aad ha la iska ilaaliyo, oo qof kasta oo iska shakiya yaanu is dhigan ee ha la xidhiidho goobaha caafimaadka, wixii talooyin ah ee ku saabsan xanuunkana ha la qaato, oo si ficil leh ha loo qaato oo ha lagu dhaqmo”.’

Mar uu ka hadlayey Jaadka ayaa yidhi “Dadka qaadku qaatay, waxaan leeyahay oo ALLE uga baryayaa inuu arsaaqad khayr qabta uu ugu beddelo, ee mar haddii muddo kooban qaadka la joojiyey, maalmo kooban ayaa ka hadhsan, ee waa in intaas la xamilaa, oo aan la sugi waayin, kolay sababta loo joojiyeyna waa taxadir laga muujinayo halista xanuunka Coronaha”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here