Diyaaraddii ku burburtay Bardaale ma la soo riday mise iskeed ayey usoo dhacday?

0
331

Diyaarad sidday agab loogu talagalay ka hortagga coronavirus ayaa shalay ku dhacday magaalada Bardaale ee gobolka Baay, Soomaaliya. Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababta ay diyaaradda u burburtay, waxaa soo baxay warar sheegaya in lasoo riday.

Lix qof oo diyaaradda saarneyd ayaa geeriyootay, sida uu sheegay Wasiirka Gaadiidka ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Salaad. Waxay isugu jireen muwaadiniin Soomaali ah iyo kuwo reer Kenya ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho sababta ay diyaaradda u dhacday. Hase yeeshee, Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegtay in siyaasi horay uga Wasiirka Gaashaandhigga uga soo noqday Soomaaliya uu u sheegay inuu la hadlay qof jooge ah, loona xaqiijiyay in diyaaradda ay u muuqatay mid lasoo riday.

Diyaaradda ayaa ku burburtay meel u dhow garoonka diyaaradaha Bardaale, xilli ay isku diyaarineysay inay caga dhigato.

Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa su sugan aagga ay diyaaraddu ku dhacday, inkastoo magaalada Bardaale ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya.

.

Lixda ruux ee diyaaradda ku dhimatay waxay isugu jireen duuliyihii, ku xigeenkiisii, injineerkii duullimaadka, duuliye uu tababar u socday iyo labo ruux oo shaqaale ka ahaa diyaaradda, sida uu Reuters u sheegay wasiirka gaadiidka Soomaaliya Maxamed Salaad.

“Shan ka mid ah meydadka dadka dhintay ayaa la helay ilaa hadda,” ayuu yiri wasiirka.

Salaad ayaa intaas ku daray in ay goobta uu burburka ka dhacay u direen koox baaritaan kasoo sameysa.

Abuukar Cawaale, oo u ol’oleeya joojinta ganacsiga iyo isticmaalka qaadka ayaa bogiisa Facebook kusoo qoray in diyaaradda ay ahayd mid wadday shixnad Qaad ah.

.

Cabdirashid Cabdullaahi Maxamed, oo ah wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay “inuu la hadlay dad ku sugan goobta ay diyaaradda ku burburtay, kaasoo u sheegay in diyaaradda ay markii hore damacday inay caga dhigato – laakiin ay wareeg labaad soo gashay markii ay aragtay xayawaan duur joog ah oo waddadii diyaaradda caga dhigan lahayd xannibay.

Kaddib wuxuu goob joogaha la hadlay wasiirka hore sheegay in diyaaradda ay u muuqatay in gantaal looga dhuftay mid ka mid ah garbaheeda.

Wali ma jiro wax war ah oo ay Al-Shabaab kasoo saareen dhacdadan.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baydhabo iyo Bardaale ayaa qeyb ka ah howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya(Amisom).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here