Rishi Kapoor: Atoorihii caanka ahaa ee dhintay ‘mar buu Soomaaliya aflagaadeeyay’

0
581

Rishi Kapoor, oo lagu tilmaami jiray halyeygii haasaawaha ee shirkadda filimada Bollywood-ka ee dalka Hindiya, wuxuu geeriyooday 30-kii bishii lasoo dhaafay.

Jilaagaca oo 67 jir ahaa wuxuu u dhintay xanuunka kansarka, kaasoo uu muddo dheer la noolaa.

Wuxuu qeyb ka ahaa reer jilayaasha reer Kapoor loo yaqaanno ee sanadaha badan aqlabiyadda ku lahaa filimada ugu caansan Boolywoodka.

Sanadkii 2016-kii, Rishi wuxuu hadal ay dad badan ku dhaleeceeyeen oo “aflagaaddo” iyo “cunsuriyad” lagu tilmaamay ka sheegay Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, oo uu kaga hadlayay sida loo kala guuleystay tartankii ciyaaraha Olympic-da ayuu ku yiri: “WARARKA OLYMPIC-da. Waxaa soo dhacday natiijadii soo shiraacday ee ugu horreysay. England waxay qaadatay dahab, Australia waxay qaadatay qalin, Soomaaliyana waxay qaataday doontii !!”

.

Qaar ka mid ah dadkii arkay qoraalkaas ayaa eedeyn kala dul dhacay jilaaga, waxayna qormadiisa ku qeexeen mid ka turjumeysa cunduriyad.

Jilaagii haasaawaha ku caan baxay

Atoorahan wuxuu shaleemooyinka filimada lagu daawado qabsaday sanadkii 1973-kii, markaasoo uu doorkiisii ugu horreeyay oo hoggaamin ah uu ka qaatay filim ka hadlayay qiso jacayl oo dhalinyaro dhex martay.

Laakiin markii ugu horreysay Rishi Kapoor wuxuu jilista filimada kasoo muuqday isagoo carruur ah sanadkii 1970-kii, wuxuuna ka qeyb qaatay filimkii uu aabihiis Raj Kapoor jilayay ee Mera Naam Joker.

Rishi Kapoor dancing

Qaar ka mid ah filimadiisii sida weyn loo daawaday waxay soo baxeey 1980-meyadii iyo 1990-meeyadii – waxaana ka mid ahaa Khel Khel Mein, Karz iyo Chandni – oo aad u gadmay.

Kapoor wuxuu filim laga dabadhacay oo jacayl ahaa la sameeyay atariishada lagu magacaabo Neetu Singh. Lamaahanan ayaa jacaylkooda aan ku ekeynin jilitaan kaliya, waxayna is guursadeen sanadkii 1980-kii.

Wiilkooda Ranbir Kapoor, wuxuu ka mid yahay jilayaasha hadda ugu caansan shirkadda Bollywood-ka, taageerada weynna heysta.

Sanadkii 2018-kii Rishi Kapoor waxaa ku dhacay nooc ka mid ah kansarka.

Rishi Kapoor with his wife Neetu and son Ranbir

Bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay ayuu ku laabtay dalkiisa Hindiya, kaddib markii daweyn hal sano qaadatay loogu sameeyay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Maalintii Arbacada ee isbuucii lasoo dhaafay ayaa loola cararay isbitaal kaddib markii uu ka cawday ciriiri xagga neefsashada ah, sida uu walaalkiis Randhir Kapoor u sheegay warbaahinta Hindiya.

Wuxuu ahaa jilaagii lagaab ee Hindiya u dhashay oo hal isbuuc gudihiis dhinta.

Malintii ka horreysay waxaa geeriyooday Irrfan Khan, oo isagana ka mid ahaa jilayaasha caanka ah. Irrfan ayaa isagana u dhintay nooc dhif ah oo ka mid ah cudurka kansarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here