Falanqaynta Weerarkii Madaxweyne Biixi Ee Dr. Gaboose Iyo Dareenka Bulshada

0
328

Madaxweyne Biixi ayaa Axadii weerar siyaasadeed ku qaaday Dr. Cabdi Gaboose, oo uu ku eedeeyay sawir baraha bulshada qabsaday oo ku saabsanaa afur wadareed uu cisbitaalka Haldoor ee Dr. Gabose u sameeyay shaqaalihiisa.

Madaxweyne Biixi ayuu hadalkiisu u muuqday mid ku tallo gal ah oo aan gole ka fuul ahayn, waxaanu doonayay inuu Dr. Gaboose farriin hawada u mariyo.

Hadalka Madaxweyne Biixi ayay dadka siyaasadda falanqeeyaa u arkeen inay ka dhex muuqatay culays siyaasadeed oo uu Dr. Gabose ku hayo Madaxweyne Biixi balse aan bulshada badankeeda u muuqanin.

Inkastoo Dr. Gaboose aanu wakhtigan ka tirsanayn, madaxna u ahayn xisbi siyaasadeed oo mucaarad ah, haddana waxa suurtogal ah in Madaxweyne Biixi Dr. Gaboose u arko siyaasi mucaarad ah oo ka soo horjeeda hoggaamintiisa, waana sababta uu u doortay inuu bulshada farta ugu fiiqo sawirada laga soo qaaday cisbitaalka Dr. Gabose. Waa suurtogal in Madaxweyne Biixi oo xariif ku ah siyaasadda gudaha iyo muquuninta mucaaradkiisu uu doonayo inuu Dr. Gabose madaxa jebiyo oo uu siyaasad ahaan wiiqo, kana faa’iidaysto fursada sawirkaas uga soo baxday.

Dr. Gaboose ayaa ahaa maskaxdii ka dambaysay joojinta jaadka ee qaaday ololaha Madaxweyne Biixi loogu baaqayay inuu joojiyo jaadka, kaas oo ay xukuumadu joojisay balse aan u joogsan sidii la filayay magaalooyinka dalkana ku soo gala isagoo kootarabaan ah.

Inkastoo ay bulshadu u sacab tuntay joojinta qaadka, haddana la dagaalanka jaadka Kootarataanka ah ayaa sababay dhimasho iyo khasare hantiyeed, waxaana laga yaabaa inuu mashquliyo hay’addihii ammaanka ee dalka.

Marka ay sidaas tahay waxa laga yaabaa inuu Madaxweyne Biixi iska qoomameeyay joojinta qaadka iyo taladaas Dr. Gaboose ee uu qaatay. Waa suurtogal inuu markii dambe u arkay inay ahayd tallo siyaasi oo uu ku deg degay qaadashadeeda. Dad badan ayaa qaba in qodobkani ka mid yahay sababta Madaxweyne Biixi ka keentay inuu eed u jeediyo Gaboose.

Idaacadda Radio Hargeysa ee ay dawladu maamusho ayaa shalay ilaa xalay baahisay faallooyin ka dhan ah Dr. Gaboose, kuwaas ahaa weerar lagu beegsanayay Dr. Gaboose iyo cisbitaalkiisa, bulshadana la doonayay in loo tuso inaanay wada socon ficilka iyo qawlka Dr. Gaboose. Faalladda Idaacadda ayaa waxay daba socotaa hadalka Madaxweyne Biixi.

Hase yeeshee weerarka uu Madaxweyne Biixi ku duqeeyay Dr. Gaboose ayay dad badani u arkaan inay Dr. Gaboose u tahay faa’iido siyaasadeed, waxaana suurtogal ah in weerarkii Madaxweyne Biixi ee uu doonayay inuu ku wiiqo siyaasiyan dhakhtarka, uu kor u qaado miisaanka siyaasadeed ee Dr. Gabose, iyadoo laga yaabo in Dr. Gaboose ay dad badani u arkaan nin buuxin kara kaalinta mucaaradnimo oo ay bulshadu beryahan dambe tabaysay inay banaantahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here