Suldaan Siciid Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Lumiyey Hogaamintii Qaranka Kuna Eedeyey Dhul Boob Cad

0
468

Suldaan Siciid Yuusuf Xaaji Ducaale oo ka mid ah laba Muwaadin oo Dawladdu dib ugala noqotay Huteelka Hargeysa Club oo ay Maalgelin ku samaynayeen ayaa ka hadlay Go’aankaasi.

Toddobaadkii hore ayaa Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud uu soo saaray Wareegto uu sheegay in Dawladdu dib ula noqotay Huteelka Hargeysa Club oo ay Maalgelin ku samaynayeen Suldaan Siciid Yuusuf Xaaji Ducaale iyo Orodyahanka Jaamac-karaaciin, waxaanu Wasiirku uu Wareegtadiisa u cuskaday Qodobbo loo cuskaday dib ula laabashada Huteelka oo ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha.

Laakiin, Suldaan Siciid oo uu weriye Luqmaan oo ka tirsan Bulsho tv Suldaan uu weydiiyay siduu u arko Go’aanka Xukuumadda Madaxweynwe Biixi kagala wareegtay Huteelkaasi, ayaa ku jawaabay “Madaxweyne Biixi, waa markii shanaad ee uu Ciidan Millateri ah ka keeno Hargeysa Club. Huteelka sifo Sharci ah ayaan ku qaatay oo Digreetooyin Madaxweyne ayaan ku qaatay, sidaas ayaan ku hayey oo aan ku maalgelinay, markaa waa Moomah iyo Hunguri iyo dhul boob uu Madaxweynuhu u qabo.”

Suldaanku waxa kale oo uu sheegay “Mar walba waxa la keenaa (Ciidan) la ilama soo hadlo, Warqad la iima soo diro, Dhismaha jooji la ima yidhaahdo, mar walba waxa i gala Afar Qabaal oo Saraakiisha sar-sare ee Boolisku ay wadato. ” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Maalintii lala wareegay Huteelka uu ku maqnaa Gobolka Sanaag oo uu u tagay joojinta dilal halkaa ka dhacay, Madaxweynahana isku ogaayeen inuu arrintaa soo dhameeyo “Maalintii dhawayd (ee huteelka lala wareegay) waan maqnaa, oo shaqaaqooyin iyo dilal ka dhacay Bariga ayaan ku maqnaa, waanuna isku ogayn (Xukuumadda/Madaxweynaha) in Shaqaaqooyinkaa iyo dilalkaa aan qaboojiyo oo aan soo qabto Gacan ku dhiiglaha oo Xaggayaga loo tirinayey, dabadeedna waxa dhacay dagaal kale oo aan filayo in Xukuumaddu ka dambaysay, dagaalkaas oo Fadhi-gaab ka dhacay.”

Suldaanka oo la waydiiyey siday dagaalkii Fadhi-gaab Dawladdu ugu dambaysay ayaa ku jawaabay “Ciidammada Booliska ee annaga nala socday ayaa reerka xagga kale u tagay oo ku yidhi ‘Gacan ku dhiigle la idiinma hayo’ oo dhiiggooda kiciyey oo been ka sheegay. Markii dambana, dagaalka oo dhacaya ayay 8 Saacadood dhex joogeen iyagoo qoryahooda sita. 8:30 Subaxnimo illaa 5-tii Galabnimo ayuu dagaalku socday, ciidanka Ceerigaabo 1 Saac ayay ku iman lahaayeen, laakiin Daawadeyaal Qiimo leh ayay ka ahaayeen.”

Suldaanku wuxuu sheegay oo kale “Huteelka Digreeto Madaxweyne ayaan ku qaatay, Qandaraas ayuu leeyahay, hadday Dawladdu la laabanayso Qodob ay Dawladdu soo marto ayuu leeyahay, Muuse Biixi dhul boobka uu wado, dhaca uu wado iyo xoogsiga uu xoolaha Ummaddu ku xoogsanayo ee uu boobayo isagoo iska dhego-tiraya (Heshiiska) wuxuu yidhi waan la laabtay Huteelkii, waxaanan kula laabtay Digreeto, laakiin lama laaban karo, waa Sharci-darro, ma samayn karo, Maalgelin Dibadeed ayaanu gelinay, waxaanu nahay Muwaadiniin Ingiriis ah, Aniga iyo Saaxiibkay Jaamac-karaaciin oo igu weheliya (Maalgelinta Huteelka).” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Xidhiidh la nalama soo samaynin, ee sidii Guluf uu dhacayo Maalin kastana waa sidaase Maalintii u dambaysay waxa ka qayb-galay oo Ciidanka keenay Hawl-gelinta Ciidanka ninka haysta iyo Ninka RRU-da haysta, labadaa ayaa Ciidan keenay oo qabsaday (Huteelka), Maalintii dambe ee lala wareegayeyna Wasiirka Hawlaha guud iyo Taliyaha Ciidanka Qaran ayaa gacanta ku dhigay, waa Boob, Waa gardaro, waa xumaan, waa burburin Somaliland la burburinayo, waa Sharcigii oo Gacanta lagu qaadanayo, waa Somaliland oo Madaxweynihii loo doortay intuu la lumay Hoggaankeedii uu Hantidii Boobayo oo uu Sharcigiina Gacanta ku qaadanayo.”

Suldaan Siciid oo u warramay Telefiishanka Bulsho ayaa sheegay inay qabsanayaan Looyaro Caalami ah “Sharciga ayaanu la taagan nahay Looyarro dibadeed ayaanu qabsanaynaa, Dawladaha aan ka tirsanahay ee Sharcigooda sito ayaanu la xidhiidhaynaa (Ingiriiska)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey inay ku jiraan khasaare ku dhow Nus Milyan dollar “Muuse Biixi wuu tagi doonaa, Huteelkuna meesha ayuu ahaan doonaa, Labadii Sanadood ee u dambeeyay 350,000 dollar oo khasaare ah ayaanu haynaa oo dhismihii la dumiyey ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here