SACUUDIGA Oo Ka Jawaabtay Hanjabaaddii TRUMP Ee Dhaxal-Sugaha Dalkaa Maxamed Binu Salmaan.

0
307

Sacuudiga ayaa markii ugu horreysay ka hadlay hanjabaadii la weriyey in madaxweyne Donald Trump uu u geystay dhaxal-sugaha dalkaa Maxamed Bin Salmaan.

Afhayeen u hadlay safaaradda Sucuudigu ku leeyahay Washington oo lagu magacaabo Fahd Nazer ayaa sheegay in warbixintii Reuters ee ku saabsaneyd wadahadalkii teleefonka ku dhexmaray Donald Trump iyo Maxamed Bin salmaan “ayna ka turjumeynin xushmadda u dhaxaysa labada dhinac.”

Warbixinta Reuters oo soo xigatay saraakiil Maraykan ah ayaa sheegtay in Donald Trump uu dhaxal sugaha Sucuudiga ugu goodiyay in uu joojin doono Taageeradda millatari ee boqortooyadda.

Fahd Nazer ayaa warbixinta waxaa uu ku sheegay inay “gebi ahaanba weecisay nuxurkii iyo ujeedkii wadahadalka” ee dhacay 2-dii April.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa Maxamed Bin Salmaan waxaa uu weydiistay in uu yareeyo soo saarka saliidda, si loo xakameeyo qiimaha saliidda caalamka oo hoos u dhacday markii khilaafka u dhexeeya Ruushka iyo Sucuudiga uu sii xoogeystay.

Sucuudiga iyo ururka wadamadda shidaalka dhoofiya ee loo yaqaano OPEC ayaa dhankooda sheegay in ay yareynayaan soo saarka saliidda iyagoo ka jawaabaya dalabka Madaxweyne Trump.

Wakaaladda Warraka ee Reuters ayaa kasoo xigatay saraakiil Maraykan ah in dhamaadkii bishii April Madaxweyne Trump uu dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ugu hanjabay in uu dhimayo taageeradda millatari ee Sucuudiga haddii aanu joojin loolanka suuqyadda shidaalka.

Reuters waxay warbixinteeda ku sheegtay in Trump uu Maxamed Bin Salmaan u sheegay in xukuumadda Washington ay la bixi doonto ciidankeeda jooga boqortooyadda haddii ururka OPEC aanu yareyn soo saarka saliidda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here