Xildhibaan Wakiillada Ka Mid Ah Oo Talooyin U Soo Jeediyey Shacabka Reer Somaliland

0
489

Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye, oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa digniin u diray guud ahaan Shacabka, waxaanu ugu digay in aanay is dhigan, isla-markaana aanay dhayalsan xanuunka Coronaha, waxaanu tilmaamay in wadamo badan oo awood iyo dhaqaale leh inay u taag waayeen.

Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye,oo u warramay WargeyskaGeeska Afrikaayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Dabcan waa la fasaxay Haya’dihii Dawliga ahaa intoodii badnayd, intii laga maarmaanka ahaa mooyaane, waa la fasaxay Goobihi Waxbarashada, waa la fasaxay Hay’adihii sharci dejinta, sababaha loo fasaxayna wax kale maaha ee waa in aad la iskaga ilaaliyo in Coronuhu Bulshada dhexdooda ku faafo, isagoo xanuunkani ku faafi kara isku imaanshaha Bulshada, iyadoo qaadka la joojin, ayaan anigu hore u soo jeediyey in qaadkana la joojiyo, aadna la isku ilaaliyo, oo Xukuumaddu qaado talaabo kasta oo ay ku xakamayn karayso faafista Xanuunkan, maxaa yeelay inagu waxay nahay dal aan wali aqoonsi caalamiya helin, dhaqaale ahaana aad u liita, Waddamadii ugu awoodda iyo dhaqaale badnaa ee ay ka mid yihiin Mareykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Faransiiska iyo Spain, ayaa xal iyo maare u waayey xanuunkan, laakiin inagoo ah dal aan awood dhaqaale iyo aqoonsi caalami ah haysan xal iyo maare weynu u heli karnaa xakamaynta Coronaha ee aad ha looga feejignaado inuu fido”.

Dhanka kale, wuxuu Bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay aad ugu fogaadan, oo aanay hoosta iska soo galin, iskuna soo dhawaanin, waxaanu ku baaqay in ALLE ka cabsiga la badiyo, oo digriga iyo bariyada ALLE la joogteeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here