Tirada Wasiirrada Puntland Ee Laga Helay Cudurka COVID-19 Oo Gaadhay 4 Xubnood

0
317

Tirada wasiirrada Puntland ee laga helay cudurka Corpnavirus ayaa gaadhay 4 xubnood oo dhammaantood kamid ah guddigii loo xilsaaray gurmadka dadkii ku waxyeeloobay daadadkii kusoo rogmaday magaalada Qardho.

Laba kamid ah wasiiraddaan ayaa si rasmi ah u shaaciyay in cudurka laga helay halka laba kalena ayna weli xogtooda usoo gudbin bulshada. Waxaa sidoo kale jira xildhibaano iyagana laga helay cudurka oo aan magacyadooda la helin.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland Cabdisalaan Xaaji Siciid, ayaa noqday wasiirka labaad ee shaaciyay in laga helay covid 19, isagoo wareysi lala yeeshay ku sheegay in ay jiraan illaa afar wasiir oo isagu kamid yahay oo cudurka laga helay.

Cabdisalaan Xaaji Siciid, wuxuu tilmaamay inuu kasoo qaaday magaalada Qardho halkaas oo ay badi ku sugnaayeen xubnaha guddiga gurmadka, balse wuxuu sheegay markii uu isku arkay calaamadaha xanuunka inuu si degdeg ah kusoo aaday Garoowe.

Waxaa uu sheegay inuu haatan ku karantiilan yahay gurigiisa, islamarkaaan xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay. Waxaa kale oo uu sheegay in dhammaan dadkii ugu dhawaa laga qaaday baadhitaanka cudurka.

Puntland, cudurka covid19 ayaa gaadhay 111 kiisas, afar dhimasho ah iyo 3 bogsasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here