XUKUUMADA MUUSE BIIXI OO DHAQAALE KA RAADINAYSA XANUUNKA COVID 19 IYO DOORKA XERGEEYE

0
373

XUKUUMADA MUUSE BIIXI OO DHAQAALE KA RAADINAYSA XANUUNKA COVID 19 IYO DOORKA XERGEEYE Craxmaan Xidig waxaynu maqaalkan kaga hadlaynaa sida xukuumada somaliland ay uga jawaabayso ka hortaga iyo la tacaalida cudurka Coronavirus oo xiligan maraya heer uu ku fidiyo guud ahaan degaanada Somaliland.

Sidii horeba caaadada iyo dhaqanka ugu ahayd maamulka Muuse biixi ee ku dhisan cunfiga iyo qabyaalada ayaa markii cudurkani soo galay Somaliland wuxuu durbadiiba bilaabay inuu samaysto cid uga masuula boobka lagacaha iyo deeqaha loogu talagalay in wax lagaga qabto ka hortaga xanuunka COVID 19 iyo daryeelka dadka muwaadiliinta ah ee xanuunkani asiibo.
Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Somaliland Xergeeye oo ay isku hayb yihiin Muuse Biixi ah kuna hadla afka gudiga la dagaalanka cudurka coronavirus ee Somaliland ayaa ah dhaqtarka khaaska ah ee qoyska madaxweyne Muuse Biiixi, waxaana ay labadooduba shuraako ku yihiin musuqmaasuqa iyo sidii loo weelaysan lahaa dhaqaalaha loogu tala galay waxka qabashada xanuunka halista ah ee Coronavirus.
mudooyinkii ugu danbeeyey waxa si xawli isu soo tarayey fiditaanka xanuunka Coronavirus, waxaana sii kordhayey dadka u dhimanaya xanuunka oo runtii ka badan tirada uu xergeeye warbaahinta ka sheego, waxaana shacabku ku dhimanayaan dhamaanba degaanada Somaliland laakiinse waxa tuugta Muuse uu magacawday warbaahinta ka sheegaan tiro yar oo weliba agtooda dayac iyo daryeel xumo ugu ag dhimatay, dalka Somaliland intiisa kale wax war ah looma hayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here