Madaardka Diyaaradaha BUUHOODLE Oo U Gacan Galay Maamulka MUQDISHO,

0
313

Magaalada Buuhoodle Waxaa Ku Sugan Wefti Culus Oo Kasoo Jeeda Somaliya,Wasiirka Kaluumaysiga Dawlada Federaalka Somaliya Oo Hogaaminaya Weftidaasi Ayaa Mudo 3 Cisho Ah Ku Sugan Gudaha Magaalada BUUHOODLE.

Buuhoodle Waxa Markii Ugu Horaysay Gurmad Dhanka Caafimad U Fidaysay Dawlada Somaliya Maadama Oo Cudurka Covid19 Si Xawli Ah Ugu Fidaayo Deegaanada Somalida,

Deeqdaas Daawooyinka Ah Ayaa Shacabka Siweyn Usoo Jiidatay,Waxaanay Wiiqday Kalsoonidii Iyo Isku Halayntii Ay Dadka Deegaanadaasi Ka Filaayen Somaliland,

Balse Xukuumada Uu Gadhwadeenka Ka Yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Ayaa Indhaha Ka Jeedisay Gobolada Bariga,Waxaanay Gurmadka Dhanka Caafimaadka Ku Koobtay Gobolada Galbeedka Somaliland,

 

Madaarka Diyaaradaha Magaalada BUUHOODLE Oo Lagu Magacaabo.Ismaaciil Mire,Ayaa Laga Cabsi Qaba Inuu Noqdo Isha Keliya Ee Somaliya Ka Saacida, Inay Deeqaha Soo Gaadhsiiso Gobolada Somaliland,Gaar Ahaan Gobolada SOOL,SANAAG Iyo BUUHOODLE,Maadama Oo Aanu Xukuumada Somaliland Gacanta Ugu Jirin,

 

Gobolada Bariga Somaliland Ayaa Intooda Badan Ka Cabanaaya,Inaanay Xukuumada Ka Helin Wixii Ay Xaqa Ugu Lahaayen,Isla Markaana Ka Aradan Horumarka Dalka,Balse Waxaa Muuqata In Dawlada Somaliya Ka Faa,iidaysatay Maqnaanshaha Dawlada Somaliland Oo Aan Muhiimad Gaara Siin Goboladaasi,

 

Ma Jirto Wax Talaabo Ah Oo Xukuumada Somaliland Ka Qaaday Wasiirada Ku Sugan Gudaha Somaliland,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here