Sawirrada soo dhaweynta gabadhii Soomaaliya laga sii daayay ee Muslinimadeeda loogu hanjabay

0
518

Warbaahinta Taliyaaniga ayaa isbuucii la soo dhaafay aad u hadal haysay muran iyo hadal hays ka dhashay sii deeynta Costanza Romano oo muddo afdub loogu haystay Soomaaliya. Maxkamad ku taalla dalka Talyaaniga ayaa furtay baaritaan ku aadan hajanabaad ka dhan haweeneydan u dhalatay Talyaaniga oo sheegtay in ay qaadatay diinta Islaamka. Waxaan halkan idin kula wadaageynaa sawirradii soo dhaweynta Silvia Costanza Romano.

Gurigeeda hortiisa waxaa lagu xardhay fariimo taageero loogu muujinayo Silvia Costanza

Waxay ka shaqeyneysay arrimaha gargaarka, waxaana sannadkii 2018-kii laga afduubtay gudaha waddanka Kenya. Silvia waxaa dib loogu celiyay dalkeeda ka dib markii laga sii daayay kooxdii haysatay.

Dad kala duwan iyo daraasiin ka socotay warbaahinta ayaa Silvia Romano ku sugayay gurigeeda hortiisa ee magaalada Mlan. Sii deynteeda iyo xaqiiqda ah inay islaamtay ayaa soo jiidatay warbaahinta dalka Taliyaaniga.

Xubnaha ka tirsan xisbiyada midigta fog ee Talyaaniga ayaa bilaabay olole ka dhan ah gabadhan oo naceyb abuuri kara sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Silvia Costanza Romano ayaa gashay sawirkan markii la soo daayay ka dib. Sirdoonka Turkiga ayaa la aaminsan yahay inay lug ku lahaayeen sii deynteeda. Ma cadda in lacag madaxfurasha la bixiyay iyo in kale.

Romano waxay aheyd samafale ka howgeli jirtay xarun lagu daryeelo carruurta agoonta ah oo ku taalla koonfur bari ee Kenya. Koox hubeysan ayaa bishii Nofembar ee sannadkii 2018-kii ka afduubatay halkaas, waxaana loo kaxeystay dhinaca Soomaaliya, waxaana la rumeysan yahay in kooxdii afduubka geysatay ay ka tirsanaayeen Al Shabaab.

Silvia Romano oo dalkeeda di ugu laabatay ka dib markii muddo afduub loogu heystay Soomaaliya. November 2018 ayaa laga afduubay Kenya, waxaana tan iyo markaasi lagu haystay gudaha Soomaaliya.

Silvia Romano oo 25 sano jir ah, waxay Talaadadii iska xirtay barta ay ku leedahay Facebook ka dib markii ay kala kulantay qoraallo lagu aflagaadeynayo oo naceyb ah, sida laga soo xigtay wakaaladda ee dowladda Taliyaaniga ee ANSA.

"iska cafi, soona dhawaaw Silvia Romano" ayaa ku qoran boorkan oo lagu dhejiyay magaalada ay ka soo jeeda ee Milan.

Silvia Romano oo dib ugu laabatay gurigeeda oo ku yaalla degmada Casoretto ka dib markii kooxa Soomalai afduub u haystay ay si daayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here