Shimbir Hindiya basaasnimo u qabatay oo Pakistan laga yeeshay

0
499

Nin Pakistani ah ayaa ugu baaqay raysal wasaaraha Hindiya in loo soo celiyo shimbir nooca qoolleyda loo yaqaan ah, taas oo Hindiya u haysato basaasnimo.

Ninkan, oo ku nool meel 4km u jirta (2.5 mayl) xuduudda, ayaa sheegay in sababta ay u duushay shimbirtiisani ay ahayd si ay ugu dabbaaldegto farxadda Ciidda.

Booliiska ayaa sheegay in shimbirtani ay mid ka mid ah lugaheeda ku xidhnayd fargal wax ku qornaayeen, kaas oo qeexaya sida ay sheegeen xog-gudbin sir ah, ayna isku deyayaan inay u turjumaan xog la fahmi karo.

Ninkan udhashay Pakistan, ee sheegtay lahaaanshaha shimbirtan la qabtay, ayaa sheegay in xogta ku qorani ee lambarrada ahi ay yihiin lambarkiisii caadiga ahaa.

Wargeyska The Dawn ee ka soo baxa dalka Pakistan ayaa ninkan ku tilmaamay magaciisa Habibullah wuxuuna soo werinayaa inuu leeyahay tobaneeyo shimbiro ah oo kale.

Habibullah waxa uu sheegay in shimbirtiisani tahay “astaan nabadeed” Indiana ay tahay inay “ka waantoobaan godobaynta shimbiraha aan waxba galabsan”.

Dadka tuuladu ayaa qabtay shimbirtani isniintii iyagoo maraya xadka caalamiga ah ee Hindiya qaybta ay maamusho ee Kashmir waxayna ku wareejiyeen booliska.

Gobolka Kashmir waxaa sheegta Hindiya iyo Pakistan labadaba, waana goob caan ku ah isweydaarsiga millateri ee joogtada ah ee ka dhexeeya deriskan haysta hubka nukliyeerka.

Tani ma aha markii ugu horreysay ee qoolley ama shimbir ka soo duusha Pakistan ay dhibaato kala kulanto dhanka Hindiya.

Bishii Meey 2015, shimbir yar oo midabakeedu caddaan ahaa ayaa la xidhay ka dib markii lagu arkay wiil 14 jir ah oo ku sugan tuulo u dhow soohdinta ay wadaagaan labadaasi dal.

Bishii Oktoobar 2016, shimbir kale ayaa iyana gacanta lagu dhigay ka dib markii laga helay warqad hanjabaad u diraysa Raiisel wasaaraha India.

Labadan dal waxay muddo dheer ahaayeen laba dal oo cadaw ah, iyadoo dagaalkii ugu dambeeyay ee u dhexeeyey uu dhacay 1971-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here