George Floyd: Xaaladda Minneapolis oo faraha ka baxday iyo ciidamo lagu daad-gureyay

0
340

Dibadbaxyo ballaaran ayaa habeenkii 3-xaad ka socda magaalada Minneapolis kuwaasi oo looga oo horjeeda dil ay booliska u geysteen nin madow ah oo lagu magacaabo George Floyd.

Ciidamada Ilaalad Qaranka Mareykanka ayaa lagu daabulay magaalada Minneapolis iyagoo loogu baaqay iney soo celiyaan nidaamka iyo kala dambeyntii magaalada.

George Floyd, oo ahaa 46 sano ayaa Isniintii geeriyooday waxaana baraha bulshada ku bahaay muuqaal mujinayay isgaoo oronaya ” Ma neefsan karo” waxaana markaasi luqunta jilibka kaga hayay nin cadaan oo boolis ah.

Booliska ayaa sunta dadka ilmeysiisa oodda uga qaaday mudaaharaadayaasha iyadoo la arkayay ganacsiyo la boobayo. Waxaa sidoo kale banaanbaxyo ka dhaceen Chicago, Illinois, Los Angeles, California, iyo Memphis, Tennessee.

Dilkan ayaa waxa uu sare u sii qaaday caradii hore, ee ku aadanayd dilalka ay booliku u geystaan dadka madow ee reer Mareykan ah, waxaana dilalkaasi ka mid ahaa dilkii Ahmaud Arbery oo ka dhacay Georgia iyo Breonna Taylor oo lagu dilay Kentucky.

Barasaabka gobolka Minnesota Tim Walz ayaa ciidamada ilaalada qaranka ku daabulay Minneapolis kaddib markii ay maayarada codsadeen in ciidamadaasi la keeno iyadoo xaaladda amniga ay faraha ka baxday.

Waxa uu sheegay in boobka ay geysanayaan dibadbaxayasha u sababay in ganacsiyo badan khasaaro loo geysto, oo ay ka mid yihiin kuwa ay leeyihiin dadka laga tirada badan yahay.

”Geerida George Floyd waa iney nagu hogaamisa dhanka cadaaladda ee ma ahan in ay horseeddo burbur iyo dhimasho hor-leh.” Waxa uuna waxbixin uu soo saaray mudaaharaadyaasha ugu baaqay iney si nabdoon u banaan-baxaan.

Maqaayad Minneapolis ku taallo oo dab la qabad siiyay

Duqa Magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa sheegay in qareenka dagmada Hennepin Mike Freeman uu dacwad ku soo oogo sarkaakiishii booliska ahayd ee ku lugta lahaa dhimashadii George Floyd.

Frey ayaa waxa uu sidoo kale yiri: ” George Floyd wuxuu u qalmaa cadaalad, qoyskiisa wuxuu ubaahan yahay cadaalad, bulshada madow waxay ubaahantahay cadaalad iyo magaaladeenuna waxay xaq u leedahay caddaadda.”

George Floyd, oo ay da’diisu ahayd 46 sano ayaa waardiye ka ahaa mid ka mid ah maqaayadaha ku yaalla Minneapolis.

Wuxuu la kulmay boolis fiidnimadi 25-kii bishan Mayka dib markii askarta la wacay oo loo sheegay nin looga shakisan yahay inuu foorjari ama been abuur sameynayo.

George Floyd

Muuqaal 10 daqiiqo soconayay ayuu ka duubay qof dhacdadaasi goob joog u ahaa kaas oo uu ka dhex muuqdo Floyd oo ay nafta hayso oo booliska caddaanka ah ku leh “waan neefsan la’ahay”.

Madaxweyanaha Mareykanka Donald Trump ayaa naxdin iyo masiibo ku tilmaamay dilka magaalada Minneopolis loogu geystay George Floyd.

Trump wuxuu ka codsaday FBI-da iyo waaxda caddaallada dalkaasi in tallaabo ay qaadaan marka ay soo afjaraan baaritaannada ku saabsan dhacdadaas.

Wuxuu sidoo kale u tacsiyeeyay qoyska iyo eheleada George Floyd.

“Sida aan ka codsaday, FBI-da iyo waaxda caddaallada waxay si wanaagsan u wadaan baaritaannada dhacdadan naxddinta badan ee masiibada ah ee dilkii Minnesota loogu geystay George Floyd. waxaan ka codsaday baaritaanada kaddib in tallaabo la qaado, waxaan si aad ugu mahadcelinaya ha’yadaha sharciga ee maxalliga ah shaqada ay qabteen…caddaallada waa inay dhaqan gashaa”

Dhacdada ayaa ku soo beegmeysa isla-maalinti ay haweeney caddaan ah oo ku nool New York ay booliska wacday una sheegtay nin madow ah inuu u hanjabay kaddib marki uu ku yiri eeygaaga naga xiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here