Khabiir Maraykan Ah Oo Ka Digay Halista Ka Dhalan Karta Qorshaha Uu Madaxweyne Biixi Ku Sheegay Inuu Qaddiyadda Somaliland Gayn Doono Maxkamad Caalami Ah

0
430
John M. Rosenberg oo ah khabiir Maraykan ah oo degen magaalada Washington ee dalka Maraykanka, kuna takhsusay arrimaha qaaradda Afrika, ayaa ka digay in Somaliland ay qadiyadeeda gayso maxkamad caalami ah.

Madaxweyne Biixi ayaa khudbad uu jeediyay maalintii 18 May ee la soo noqoshada qaranimada Somaliland, wuxuu ku sheegay inuu qabo in Somaliland iyo Soomaaliya ku kala bixi karaan laba qodob midkood, kuwaas oo kala ah wada hadal caalami ah oo la raacayo nidaamka wada hadalada caalamiga ah oo ay goob-joog yihiin dawlado iyo hay’ado caalami ah, haddiise qodobkaas la waayo, wuxuu soo bandhigay qodobka labaad oo ah inay ku kala bixi karaan maxkamad caalami ah. “Arrinta labaad ee lagu kala bixi karaana waxa weeyaan Maxkamad Caalami ah oo aynu arrinteena toos u geysano.” Ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here