Sida uu Turkiga u xakameeyay Covid-19

0
417

Cudurka Covid-19 xilli dambe ayuu gaaray Turkiga – oo ahayd 11-kii bishii March – laakiin si deg deg ah ayuu ugu faafay meel kasta oo ka mid ah waddanka. Muddo hal bil gudaheed ah ayuu xanuunka ku gaaray dhammaan 81-ka gobol ee dalkaas.

Qaabkii uu coronavirus ugu faafay Turkiga wuxuu ahaa mid ka mid ah kuwa ugu dhaqsaha badan ee caalamka – si ka deg deg badan sida uu ugu faafay Shiinaha iyo UK.

Waxaa jirtay cabsi ku saabsan in tirada dhimashada ee Turkiga ay la mid noqon doonto sida dalka Talyaaniga, oo xilligaas ahaa waddanka uu saameynta ugu ba’an ku yeeshay Covid-19.

Laakiin saddex bilood kaddib, taasi ma dhicin, iyadoo xitaa aan Turkiga laga sameynin bandow guud ama xayiraad dalka oo dhan la galiyay.

Turkiga ma uusan soo rogin xayiraad guud, sida ay dalalka kale sameeyeen

Tirada rasmiga ah ee cudurka ugu dhimatay Turkiga waa 4,397. Hase yeeshee, dhakhaatiirta qaar waxay aaminsan yihiin in tirada dhimashadu ay labanlaab tahay, maadaama Turkiga uu xisaabiyo dadka laga helay xanuunka kaliya.

Si kastoo ay tahayba, marka la eego sida ba’an ee uu xanuunkan u galayo dunida, tiradaasi way hooseysaa marka laga xisaabiyo dal ay shacabkiisu yihiin 83 milyan oo ruux.

Xayiraad aan caadi ahayn

Khubarada caafimaadku waxay ka digayaan go’aan laga gaaro saameynta uu yeelanayo cudurka, xilli ay dalal badan wali aasayaan dadkii uga dhintay Covid-19.

Laakiin Turkiga “waxaa iska cad inuu ka hor tagay musiibo aad u weyn”, sida uu qabo Dr Jeremy Rossman, oo wax ka dhiga Jaamacadda Kent.

“Turkiga wuxuu ku jiraa liiska dalalka jawaabta degdegga ah ka bixiyay cudurka, baaritaanka dadajiyay, soona rogay sharciyada dhaqdhaqaaqa lagu xakameynayo,” ayuu yiri isagoo la hadlayay BBC-da.

Dr Melek Nur Aslan 

Markii uu fayraska xoogeystay, waxay mas’uuliyiinta dalkaas amar ku bixiyeen in la joojiyo socdaalka lagu aado makhaayadaha qaxwada lagu cabo, inaan laga dukaameysanin suuqyada waaweyn iyo inaan jameeco lagu tukanin masaajidyada.

Dadka ay da’doodu ka sarreyso 65 sano iyo kuwa ka hooseeya 20 sano ayaa laga mamnuucay inay guryaha ka soo baxaan.

Waxaa kale oo lasoo rogay bandow la dhaqan galiyo xiiliyada dabayaaqada isbuuca iyo magaalooyinka waaweyn qaarkood oo la xannibay.

Istanbul ayaa saldhig u ahayd cudurka safmarka ah, marka la barbar dhigo magaalooyinka kale ee dalkaas.

Women tested for coronavirus in Turkey 

Waxay magaaladaas dareentay isbaddal weyn, waxayna noqotay sida wadne mararka qaar garaaca joojinaya.

Halista cudurka wali way jirtaa

Hadda xayiraadihii si tartiib tartiib ah ayey u yaraanayaan, laakiin Dr Melek Nur Aslan waxay direysaa digniin. Waxay agaasimaha guud ee waaxda caafimaadka ka tahay degmada Fatih, oo ah meel ay dadku aad ugu badan yihiin oo ka tirsan magaalada Istanbul.

“Waxaan dareemeynaa inaan dagaal ku jirno,” ayey tiri. “Dadku way hilmaamaan inay guryaha aadaan, waxaa fiican in qof kasta marka uu dhammeysto siddeeda saacadood ee shaqada inuu gurigiisa toos u tago,” ayey tiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here