War-bixin Ku Saabsan Deeqaha Maaliyadeed Iyo Kuwa Agab /Qalab Ee Soo Gaadhay Guddida Heer Qaran Ee Corona-Virus (COVID-19).

0
513

Taar: 30/05/ 2020
Hordhac:

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo maanka ku haysa kana taxadiraysa halista iyo saamaynta baaxadda leh ee uu Xanuunka COVID-19 ku yeelan karo Qaranka JSL, waxay horraantii sanadka 2020 bilawday qorshayaal Qaran oo ay ugu diyaar garoobayso, kagana hor-tagayso Xanuunka Corona-Virus.
Dedaalada ay Xukuumadu horseedka ka thay ee lagu bedbaadinayo ummadda ka sokow, waxa iyana lagama maarmaan ah doorka bulshada Jam. Somaliland kaga aaddan u-diyaargarowga iyo ka hortagga Xanuunka Corona-Virus oo ah mid dunida oo dhan khatar ku ah.

Sida aynu ogsoonahay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu magacaabay Guddi heer Qaran ah oo uu u xilsaaray u diyaar-garawga iyo ka-hor-tagga Xanuunka Corona-Virus. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu amray in la hirgliyo Sanaaduuq Maaliyadeed oo loogu talo galay in wax lagaga qabto saamaynta caafimaad, ta dhaqaale iyo ta bulsho ee uu Xanuunka COVID-19 dalkeena ku yeelan karo. Sanaaduuqdaasna waxay kala yihiin:
1. Sanduuqa Hawlaha Caafimaadka:
Xukuumaddu waxa ay sanduuqan ku shubtay lacag dhan $1,500,000 (Hal Milyan iyo Shan boqol oo kun) oo Dollar oo loogu talo galay ka-hor-tagga , la dagaalanka iyo maaraynta saamaynta caafimaad ee Xanuunka COVID-19. Lacagta sanduuqan lagu shubay ayaa loo asteeyey in ay ku baxdo:Wacyigelin, Hawl-socodsiin, Agab iyo Daawooyin.
2. Sanduuqa Qoys Kaab:
Sanduuqa Qoys Kaab waxa ay Xukuumaddu ku shubtay lacag dhan $1,000,000 ( Hal milyan) oo Dollar oo lagu talo galay quudinta 20,000 oo Qoys, oo ah dadka xanuunka COVID-19 uu saamaynta gaarka ah ku yeeshay. Qoysaskani waxay qeyb ka yihiin 60,000 ee Qoys oo ay Guddida COVID-19 hore ugu dhawaaqday in la taakulayn doono. Waxa xusid mudan in muwaadiniinta ganacsatada ah ee Jamhuuriyadda Somaliland u dhashay, shirkado iyo ururraba ay qeyb ka yihiin taakulaynta Qoysaska uu saameeyey xanuunku ee gar-gaarka loo fidininayo. Waxa todobaadkan Gobollada dalka laga qaybin doonaa wejiga koowaad ee raashin loogu talo galay dadka jilicsan, kuwaasoo gaadhaya 40,000 oo Qoys. Hawsha qorshaynta iyo qaybinta raashinka waxa loo xilsaaray Guddiyo heer Gobol ilaa heer Degmo ah oo lagala xisaabtami doono.
3. Sanduuqa Shaqo Kaab:
Sanduuqan waxay Xukuumadu ugu tala gashay in mustaqbalka laga caawiyo ganacsatada yaryar ee uu Xanuunka COVID-19 saamaynta dhaqaale ku reebay, waxaana ay xukuumadu u qoondaysay lacag dhan 1,000,000 (Hal milyan) oo Dollar. Xukuumaddu waxay ugu baaqaysaa dhammaan Hay’adaha Caalamiga ah, Ganacsatada iyo muwadiniinta reer Somaliland-ba inay ka qayb qaataan sanduuqan.
4. Sanduuqa Dalag Kaab:
Sanduuqan waxay Xukuumaddu u qoondaysay lacag dhan 1,000,000 (Hal milyan) oo Dollar oo loogu tala galay in lagu dhiiri geliyo wax soo saarka beeralayda dalka. Raashinka ay beeralaydu soo saartay sannadkii hore, Xukuumadda ayaa ka iibsanaysa, waxana loogu deeqi doonaa, haddii Alla Idmo, dadka ay dhibaatadu ka soo gaadhay Xanuunka COVID-19. Haatan waxa socda qorshihii arrintan lagu hirgelin lahaa, waxana loo xilsaaray Wasiirka Beeraha, Wasiirka Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Hay’adda Hay’dda u diyaargrowga Aafooyinka iyo Kaydka Rashinka Qaranka.
Deeqaha Guddida Covid-19 soo Gaadhay ama loogu Yaboohay:1. Mulkiilaha Shirkadda World Remit:
Mulkiilaha Shirkadda World Remit, waxa uu Jamhuuriyadda Somaliland ku caawiyey qalab caafimaad oo isugu jira af-saab, gacmo-gashi, jeermis dilayaasha gacmaha (hand sanitizers) iyo qalabka loogu talogalay dhakhaatiirta iyo kal-kaaliyeyaasha caafimaadka ee safka hore ee iyagu la tacaalaya Xannuunkan COVID-19. Qalabkaa uu ku deeqay mulkiilaha shirkadda World Remit qiimahiisu wuxuu dhan yahay $1,000,000 (hal milyan oo doollar).
Guddida Heer Qaran ee COVID-19 waxay jeceshahay inay bulshada u bayaamiso in qalabkaasi aanu weli si buuxda u soo gelin gacanta Guddida COVID-19, marka laga reebo tiro kooban oo ah af-saab, gacmo-gashi, jeermis dilayaasha gacmaha (hand sanitizers); balse qalabka badidiisu ay dhexda ku soo jirto, In Sha Allah dhawaana uu qalabkaasi ina soo gaadhi doono.
Dhinaca kale, Guddida Heer Qaran ee COVID-19 waxay Bulshada JSL halkan ugu caddaynaysaa in aanay haba yaraatee jirin wax lacag caddaan (cash) ah oo uu Mulkiilaha Shirkadda World Remit ku wareejiyey Guddida heer Qaran ee Covid-19.
2. Deeqda Shirkadda Telesom:
Taariikhdu markay ahayd 10-kii May 2020, Shirkadda Telesom waxay ku yaboohday qalab caafimaad oo kala duwan oo qiimahiisu dhan yahay $640,000 (lix boqol iyo afartan kun oo doollar), qalabkaas oo ay Shirkaddu ballan qaaday inuu dalka si degdega u imanayo ayaa waxaa la filayaa in todobaadada soo socda uu dalka soo gaadho, hadii Alle idmo.

Shirakadda Telesom waxa kale oo ay bixisay lacag dhan $200,000 (laba boqol oo kun oo doollar) oo ay kaga qayb qaadanayso taakulaynta dadka jilicsan ee uu saamaynta ku yeeshay xanuunka COVID-19. Lacagta Shirkadda Telesom bixisay waxay si toos ah ugu dhacday Akoonka Guddida Qaadhaan ururinta oo iyagu si rasmi ah ugu xilsaaran inay qabtaan lacagaha ay ku deeqayaan Ganacsatada iyo Muwaadiniinta Somaliland.

3. Deeqda Shirkadda Dahabshiil:
Shirkadda Dahabshiil Group waxay 17-kii May 2020 ku yaboohday qalab caafimaad oo kala duwan oo qiimahiisu dhan yahay $ 600,000 (lix boqol oo kun oo doollar). Qalabka ay shirkadda Dahabshiil Group ku yaboohday ayaan weli soo gelin gacanta Guddida COVID-19 waxana la filayaa in qalabkaasi uu dalka soo gaadho sida ugu dhakhsaha badan leh, hadii Alle idmo.

Shirkadda Dahabshiil Group waxa kale oo ay bixisay lacag dhan $200,000 (laba boqol oo kun oo doollar) lacagtaasi oo ay Shirkaddu ugu talogashay in raashin loogu iibiyo afar kun oo qoys, lacagtaasna waxa lagu wareejiyey guddida Qaadhaan ururinta ee ka kooban Ganacsatada iyo Culimada dalka ee uu magacaabay Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna qayb ka noqnaysaa raashinka dhawaan dadka loo qaybin doono.

4. Deeqda Ganacsade Cabdiraxmaan Boore:
Ganacsade Cabdiraxmaan Boore waxa uu Guddida Heer Qaran ee Covid-19 ku wareejiyey lacag dhan $100,000 (boqol kun oo doollar), oo uu ugu talo galay wax ka qabashada arrimaha caafimaadka. Gan-
 Dawladaha
1. Dawladda Itoobiya,
2. Dawladda Imaaraat-ka Carabta (UAE),
3. Dawladda Shiinaha,
4. Dawladda Turkiga,
5. Dawladda Qadar.

 Hay’adaha
1. WHO,
2. UNICEF,
3. ADRA,
4. CARE International,
5. WORLD VISION,
6. IOM,
7. ARC International,

 Shirkadaha
1. Shirkadda Flay Dubai,
2. Shirkadda Ali Baba,

 Ururrada
1. HARO,
2. HAVAYOKO,
3. ILAYS,
4. Muwaadin Bixiyey 1500 oo Af-saab (facemask)
Shaxda Lacagaha (in cash) iyo Agabka /Qalabka (in kind):

No Cidda Lacag Bixisay Sandduqa Lacagta (Dollar)
Shaxda Lacagaha (in cash)
1. Dawladda JSL Sanduuqa hawlaha caafimaadka $ 1,500,000
2. Dawladda JSL Sanduuqa qoys kaab $1,000,000
3. Dawladda JSL Sanduuqa shaqo kaab $1,000,000
4. Dawladda JSL Sanduuqa dalag kaab $1,000,000
5. Shirkadda Telesom Kaash (raashin baa lagu iibiyay) $ 200,000
6. Shirkadda Dahabshiil Kaash (raashin baa lagu iibiyay) $ 200,000
7. Ganacsade C/R. Boore Kaash (Sanduuqa Caafimaadka) $ 100,000
Shaxda Agabka (in kind)
8. Shirkadda World Remit Agab /Qalab Caafimaad, qiimaha $ 1,000,000
9. Shirkadda Telesom Agab /Qalab Caafimaad, qiimaha $ 640,000
10. Shirkadda Dahabshiil Agab /Qalab Caafimaad, qiimaha $ 600,000
11. Ganacsade C/R. Boore Kaash (raashin baa lagu iibiyay) $ 70,000
Isugayn Guud: $7,310,000

Gabagabo:
Guud ahaan lacagta ay Xukuumadu u qoondaysay Afarta sanduuq ee lagu maaraynayo hawlaha xanuunka COVID-19 ayey xukuumaddu ugu talo gashay inay ku bixiso lacag dhan $4.5 (afar milyan iyo badh Dollar), sida ku cad sanaaduuqda sare ku xusan.

Dhinahca kale lacagaha kaashka ah ee ay shirkadaha dalka iyo Ganacsade Cabdiraxmaan Boore ilaa hadda ku wareejiyeen Guddida Heer Qaran ee Covid-19 waxay dhan tahay $500,000 (shan boqol oo kun oo Dollar).

$400,000 (afar boqol oo kun oo Dollar) oo kamidah lacagtaas oo ay bixiyeen labada shirkadood ee kala ah Telesom iyo Dahabshiil waxay u qoondeeyeen in dadka dan-yarta ah raashin loogu iibiyo, waxana lacagtaasi gacanta ku haya sidaan horay u soo sheegnay guddida qaadhaan ururinta ee COVID-19, halka $100,000 (boqol kuno oo Dollar) ee soo hadhay lagu biiriyey sanduuqa hawlaha caafimaadka ee ay Guddidu COVID-19 maamusho.

Waxa xusid mudan in Guddida Qaadhaan Ururinta Xanuunka COVID-19, oo ka kooban Ganacsatada iyo Culimadu ay yihiin kuwa u xilsaaran inay ganacsatada reer Somaliland ka soo ururiyaan qaadhaan lacag ah oo loogu talo galay in danyarta raashin loogu iibiyo. Guddida Qaadhaan Ururintuna si dhakhso ah ayay u soo bandhigi doonaan cadadka lacagta ah ee ay ilaa hada soo urursheen, haddii Alle Idmo.

Mahadnaq:

Guddida Heer Qaran ee COVID-19, iyagoo ku hadlaya magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ka Xukuumadda iyo ka Shacabka Jam. Somaliland, waxay si mug leh ugu mahad naqayaan dhammaan cid kasta oo gacan ka gaysatay juhdiga iyo dedaallada loogu jiro ka hor-tagga iyo maaraynta Xanuunka COVID-19.

Guddida Heer Qaran ee COVID-19 waxay si gaar ah ugu mahadnaqayaan mulkiilaha Shirkadda World Remit, Mudane Ismaaciil Ibraahim Axmed, Guddoomiyaha Guud ee Shirkadda Telesom Mudane Cabdikariim Maxamed-Iid, mulkiilaha Shirkadda Dahabshiil Group, Mudane Maxamed Saciid Ducaale, Mudane Ganacsade Cabdiraxmaan Boore, anagoo dhammaantoodba uga mahad naqayna dareenka Waddaninimo, ka Ehelnimo iyo ka Naf-qaybsi ee ay u muujiyeen Dadkooda iyo Dalkoodaba, xilligan iyo xaaladan adag ee lagu jiro. Waxaanu idin leenahay ALLAH (sxwt) ha idinka abaal mariyo, deeqdana halkaa ka sii wada.

Allaa Mahad Leh

Xuseen Aadan Cige (Deyr),

Xog-hayaha Guud ee Fulinta,
Guddida Heer Qaran ee U-diyaar-garawga iyo Ka hor-tagga COVI-19.

Image may contain: textImage may contain: textImage may contain: textImage may contain: textImage may contain: 1 person, standing, tree and outdoorImage may contain: one or more people, people standing and outdoorImage may contain: 1 person, standing and outdoorImage may contain: 1 person, standing and outdoorImage may contain: 1 person, outdoorImage may contain: 1 person, standing and outdoorImage may contain: 2 people, people standing and outdoorImage may contain: 1 person, standing and outdoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here