Microsoft oo wariyeyaasheeda ku beddeli rabto mashiinnada Robot-ka

0
334

Warbaahinta Mareykanka iyo Ingiriiska ayaaa sheegay shirkadda Microsft shabakaddeeda MSN wariyeyaasha faraha badnaa ee ka shaqeeya iney ku beddeli rabto mashiinno ‘robot’ oo qabanaya hawlihi ay wariyeyaasha qaban jireen.

Wakhti xaadirkan wariyeyaasha wararka u soo uruuriya, cinwaannada u sameeya, sawirradana geliya shabakadda MSN ee ay Microsoft leedahay waa wariyeyaal caadi ah.

Sattelite news waxay sheegtay wixi hadda ka dambeeya shaqooyinki ay wariyeyaashu qaban jireen iney qabanayaan mashiinnada dad sameega ah ee ‘robots’ oo u ku shaqeeya waxa loo yaqaanno ‘artificial intelligence’.

Microsft waxay tallaabbadan ku sheegtay iney qayb ka tahay dib u habeynta iyo qiimeynta ay ganacsigeeda ku sameyneyso.

“Si la mid ah shirkadaha caalamka ka jira marweliba ganacsigannaga qiimeyn ayaan ku sameeynaa. Qiiimeyntaasina waxay naga caawisaa inaan maalgashiga ganacsiga qaar aan kordhinno. Shaqaalaha qaarkood waxaa dhici karta halki ay ka shaqeeynayeen in laga wareejiyo oo goob kale loo wareejiyo. Balse go’aanka wax xiriir ah lama laha aha cudurka safmarka ee Covid-19”, ayey tiri shirkadda Microsoft.

Microsft si la mid ah shirkadaha Teknooloojiyadda ee caalamka ka jira waxay howlgelisaa wariyeyaal shabakadaheeda wararka ku qora. Wariyeyaasha ayaana go’aansanayey warka ay tabinayaan iyo halka ay ku tabinayaan intaba.

Iyada oo laga duulayo go’aanka Microsft ay gaartay, dabayaaqada bisha June waxaa shaqadooda waayaya shaqaale ay tiradooda 50 gaareyso oo wariyenimo si ku meel gaar ah Microsoft ugu shaqeynayey.

“Hase ahaatee, shaqaalaha joogtada ah iyagu shaqadooda waa ay sii wadanayaan oo go’aankaasi ma saameynayo” ayey tiri Microsoft.

Mid ka mid ah shaqaalaha shaqda ku waayaya go’aanka Microsoft wuxuu yiri: “Mashiinno iney na beddelayaan oo ay qabanayaan shaqadi aan qaban jirnay inaad ka fikirto maskaxdaada ayey wax u dhimeysaa”.

Sida oo kale qaar kaloo ka mid ah shaqaalaha shaqadooda mashiinta ‘robot’ lagu beddelayo waxay sheegeen maadaamaa ay mashiinnadu sida dadka wararka ay u xulan Karin waxaa dhici karta warar aan macquul ahayn in shabakadaha Microsoft lagu daabaco.

Wargeyska the Guardian waxay qortay shaqaalaha shaqada laga eryayo 27 ka mid ah iney yihiin shaqaalaha u shaqeeynayey UKPA.

“Mashiinadu sida ay shaqadannada nooga qaadan karaan in badan ayaan soo akhriyey, waa kan maanta shaqadeydi ayuu iga qaatay” ayey yirahdeen.

Shirkadda Microsoft waxay ka mid tahay shirkadaha waaweyn ee Teknooloojiyadda oo cilmibaadhista ku wado mashiinnada robot-ka sidi ay u beddeli lahaayeen shaqada ay wariyeyaasha qabtaan, iyada oo ay ujeeddadu tahay in kharashka wariyeyaasha la siiyo meesha looga saaro.

Shirkadda Google-na waxay ku howlan tahay mashruuc kaa la mid ah oo ay u qoondeysay miisaaniyad aad u badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here