Deegaanka TUKARAQ Oo Saaka Laga Dareemaayo Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan+Sababta

0
380
Wararka ka imaanaya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay halkaasi dhaq dhaqaaqyo kala duwan ka wadaan saaka oo Isniin ah.

Dad ku sugan degaanka Tukaraq ayaa soo sheegaya in ciidamada Somaliland ay saaka wadaan dhaq dhaqaaqyo aysan horay u samayn jirin islamarkaana ay isku fidiyeen fariisimo horleh oo ku yaalla degaankaas.

Maamulka Puntland Ayaa Maalmihii U Danbeeyey Faro Gelin Ku Samaynaayey Deegaano Ka Tirsan Somaliland Kuwaas Oo Ay Kamid Yihiin Maamulka BUUHOODLE Iyo Deegaanka Badhan Ee Gobolka sanaag

Puntland iyo Somaliland ayaa horay marar kala duwan ku dagaallamay degaanka Tukaraq balse muddooyinkii u dambeeyay waxaa labada dhinac ka dhexeeyay xiriir wanaagsan oo ku salaysan wada- shaqaynta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here