Xuuto Wuxuu Metela Calooshiisa WQ/ Cabdisataar Sabri

0
776

Xuuto inuu calooshiisa metelo waxaa ka markhaati kacaysa wuxuu hadlaa marka uu dawladda ka rabo lacag , weliba lacagaha ayaa isdhaama’e wuxuu dawladda jirjirka qabsadaa xilliyadda adag ee qaranku kuguda jiro iskutashiga iyo istaakulaynta si loola tacaalo masiibooyinka halista ah, sida xiliyada abaaraha iyo xanuunada faafa ,

Waxaan xasuustaa xilligii abaaraha mar saxaafadda lagula kulmay madaxtooyada kadibna dawladu saxaafadda ka codsatay in gurmadka abaaraha lagala shaqeeyo , kadibna odayadii warbaafinta ka socday ay wada aqbaleen codsiga dawladda balse godoomiyaha solja Xuuto , wuxuu yidhi khaarashaadkii dawladu nasiin jirtay ma qaadanoo, mana shaqaynkarno lacag la’aan markaa waxaa loo baahan yahay lacagta la ururiyay qoondo in aanu ku yeelanno, kadibna Xuuto dawladdu waxay ku dartay gudidii taakulaynta abaaraha ee heer qaran isagoo huwan magacii weriyayaasha Somaliland , taasoo iyaduna ceebteeda lahayd .

maantana wuxuu Gudida Covid 19 ee somaliland ku haystaaa cunto

waxaan garanwaayay ciduu metelo , wargayskiisii waaheen majiro, Tv-yada somaliland urur bay samaysteen , wariyayaashii waxay uga tageen ururkoodii Solja hab-dhaqankiisa, marka laga reebo koox yar oo xishood badan oo isaga layaaban, lknse maalmaha u hadhay utiriya gudoomiye Xuuto ,

madaxweyne kuxigeenka JSL Saylici iyo gudidiisa wuxuu si dadban ugu eedeeyay xaatooyo hanti qaran iyadoo ay shalay ahayd markii madaxweyne kuxigeenka somaliland inoo sharaxay shaxdii lacagta

maanta markii uu shirka jaraaid hayay Gudoomiye Xuuto waxaa kale oo uu soo qaatay si uu shacabka u lumiyo hantidhawrka wuxuu yidhi “hanti-dawrkii baa loo diiday in la xisaabtamo gudida covid 19 ninka wax kayaqaan nidaamka shaqo ee xafiiska hantidhawrka wuxuu markii ba fahmayaainaanu inaanu aqoonba ulahayn Xuuto hab maamulka xafiiska hantidhawrka qaranka Somaliland ,

,
Markii aan gudoomiyaha Solja ufiirsaday marar badan oo uu tvga kahadlay waxaan is idhi waa nin wuxuu arkaaba ay tahay cunto ,cuntadana caloosha ayaa ubaahan , hadii uu metelo saxafiyiinta Somaliland oo run sheegayo, coldoon caagad biyo ah weli xabsiga ma ugu geeyay , miyuu maalin eray u dan u ah uyidhi muxuu ka og yahay , weriyayaasha dulmiga kala kulma warbaahinta ay ka shaqeeyaan , ee qaarkood shaqada laga eryo , miyuu ogyahay xaalaadda ay ku shaqeeyaan weriyayaasha ka hawlgala deegaanada aan xasiloonidu kajirin ,

waa masuul aan kala xadayn karin nacaybkiisa iyo jacaylkiisa iyo masuuliyadda balaadhan ee alle kala xisaabtami doono maalinteeda ,

waajibkiisu maaha baahidiisa balse waa ilaalinta xaqa suxufiga reer somaliland

anigu waxaan ugu baaqayaa godoomiye xuuto inuu kusoo noqdo xayndaabkii sharafta iyo ujeedooyinkii uu ururka Solja utaagnaa

By AbdiSataar Sabri

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here