Haddii waxa ka dhacaya Mareykanka ay ka jiri lahaayeen Afrika ama Aasiya, maxaa dhici lahaa?

0
602

Dilkii George Floyd, oo 25-kii bishii May ku dhintay gacanta booliska Mareykanka ayaa horseeday mudaharaadyo gilgilay waddankaas, laakiin meelo ka mid ah caalamka waxaa Mareykanka looga soo jeedinayaa dhaliil xooggan oo ku saabsan sida loola dhaqmo dadka kasoo jeeda bulshooyinka tiro ahaan laga badan yahay.

Waxaa dowladda Mareykanka lagu yaqaannaa inay jawaabo adag ka bixiso ficillada xad-gudubka ku ah xuquuqda aadanaha ee ka dhaca meelaha kale ee ka tirsan dunida, laakiin su’aal maalmihii dambe ay isweydiinteeda si weyn usoo if baxday ayaa ku qotonta waxa ka socda gudaha Mareykanka.

Mareykanku ma wuxuu u jeedaa oo kaliya waxa ka dhaca dibaddiisa?

Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, oo ah aqoonyahan falanqeeya arrimaha caalamka ayaa isagoo BBC-da la hadlaya sheegay in wax badan ay Mareykanka iska baddaleen tan iyo markii uu xukunka qabtay Donald Trump.

“Markii uu Trump la wareegay maamulka Mareykanka waxaad mooddaa inay meesha ka baxeen dhaqamadii lagu yaqaannay waddankaas. Haddii waxa maanta ka dhacaya New York, Minnesota, California iyo Miami ay ka dhici lahaayeen waddamada loo yaqaanno dunida saddexaad – gaar ahaan Afrika iyo Aasiya – Mareykanku wuxuu islamarkiiba billaabi lahaa inuu wacyigalin sameeyo, oo uu dhaho waxaa lagu tuntay xuquuqda aadanaha, inuu dhaho dadku xaq ayey u leeyihiin inay mudaharaadaan, xukuumadaha iyo booliska dalalkaasna uu ku eedeeyo inay isticmaalayaan awood xad-dhaaf ah. Laakiin maanta Mareykankii wuu fashilan yahay, maradii ayaa ka dhacday,” ayuu yiri.

 

Trump ayaa wadaad diimeedyada ka careysiiyay isbuucan kaddib markii uu isku soo sawiray kitaabka masiixiyiint

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Dr Cabdiwahaab yiri: “Marka aad eegto sida ay baraha bulshada tabinayaan habkii loo dilay George Floyd – qaabkii uu ninka askariga ah u dilay – waxay ka turjumeysaa caddaalad darrada iyo bahdilka lagu hayo dadka Madowga ah ee Mareykanka ku nool. Marka waxaad mooddaa maanta Mareykanka inuusan awood u lahayn inuu waddan kale u sheego in mudaharaadyada ay sax yihiin iyo in booliska dalalka kale ay xad gudubyo sameeyaan.”

Xasaraddan ayaa soo ifbaxday xilli uu Mareykanka la daalaa dhacayay saameynta xooggan ee kasoo gaartay cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Warar soo baxay ayaa sheegayay in dadka madowga ah ee dalkaas ku dhaqan ay ugu badan yihiin dhimashada uu sababo coronavirus.

Dr Cabdiwahaab Cabdisamad ayaa arrintaas lafteeda ku micneeyay in ay salka ku heyso habacsanaan ka jirta dhinaca dowladda.

“Xtitaa coronavirus dadka ugu badan ee uu leynayo waa madowga, waxaana la leeyahay dowladda ayaa ka gaabisay inay wax ka qabato dhibaatadaas, waayo bulshadaas ma helaan dhakhaatiirtii ay u baahnaayeen iyo agabkii daryeelkooda gacan ka geysan lahaa,”

Hadaba dibedbaxyada hadda taagan maxay uga dhigan yihiin Maraykanka?

Dilka George Floyd oo ku dhintay gacanta booliska ayaa dibadbaxyo sababay

Su’aashaasi iyo ayaa hor dhignay Barfasoor Cabdi Ismaaciil Samatar oo wax ka dhiga jaamacadda Minnesota, sidoo kalena ka faallooda siyaasadda caalamka.

Barfasoorka oo hadda ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa sharraxay dimuqraaddiyadda ka jirta Mareykanka.

“Mareyknaka dhexdiisa waxaa ku nool labo adduunyo, oo kala ah mid ay tahay adduunyo xor ah iyo mid laga adkaaday oo la dulleystay. Labadaas adduunyo ayaa la isku hayaa, dimuqraaddiyadda laguu sheegayana waa taas. Sidaas darteed mararka qaar adduunyadii laga adkaa ee la tumayay ayuu garaacitaankii lagu sameynayay soo ifbaxaya, markaasuu abuurayaa wax aan la moodeynin inay Mareykanka ka dhici karaan,” ayuu yiri.

Wuxuu dhinaca kale bidhaamiyay sida uu noqon karo wajiga doorashada Mareykanka ka dhaceysa dabayaaqada sannadkan.

“Saansaantu waxay u egtahay in laga badin doono Mareykanka, hase yeeshee qolooyinkii xisbiga Dimuqraaddiga ahaa ayaan soo saarin nin maskaxdiisu furan tahay oo carrabkiisa ku jaraya wixii xun, wixii wanaagsanna ku sheegaya. Laakiin sida ay maanta u egtahay shacabka Mareykanka intooda badan way dhibsadeen ninka xukunka haya.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here