Gabadhii uu dhalay George Floyd oo farriin murugo abuurtay usoo dirtay caalamka

0
788

Gianna Floyd, oo 6 jir ah wali ma oga sababta rasmiga ah ee uu aabaheed u geeriyooday, laakiin waxay dunida u dirtay farriin murugo leh oo dad badan qalbiyadooda taabatay.

Kaddib markii ay fahantay sheekada ku saabsan aabaheed ee caalamka oo dhan qabsatay, hooyadeed ayaa u sheegtay inuu geeriyooday, sababtana waxay ugu soo koobtay inuu neefsan waayay oo kaliya.

Roxie Washington ayaa warbaahinta u sheegtay inay gabadheeda ka qarisay runta ka careysiisay dhammaan dadka ku nool Mareykanka iyo qeybo badan oo ka mid ah caalamka, si aysan maskaxdeeda dhibaato usoo gaarin.

Iyadoo la hadleysay barnaamijka “Good Morning America” ee ka baxa Telefishinka ABC u sheegtay in Gianna ay aabaheed tabeyso, laakiin aysan ka war qabin inuu ku geeriyooday gacanta ciidamada booliska ee ka howl gala magaalada Minneapolis.

Gabadha yar ayaa la weydiiyay su’aal ahayd waxa ay dunida u sheegeyso. Iyadoo ay murugo wajigeeda ka muuqato ayey sulaashaas uga jawaabtay jumladda ah “Waxaan robaa inay ogaadaan inaan u xiisay aabahay.”

 

Roxie Washington waxay dooneysaa inuu seygeeda caddaalad helo

Hadal kale oo ay ka muuqatay awood ayey gabadha 6 jirka ah ku sheegtay muuqaal uu Talaadadii barta Instagram-ka soo dhigay Stephen Jackson, oo horay u ciyaari jiray kubadda kolayga, sidoo kalena saaxiib la ahaa George Floyd.

“Aaabahay wuxuu baddalay dunida”, ayey tiri Gianna. Kaddibna waxaa la maqlayay Jackson oo dhahaya “haa waa runtaa wuu baddalay dunida”.

Gabadha yar hooyadeed waxay sheegtay in Mr Floyd uu aad u daryeeli jiray Gianna, mar kastana uu la ciyaari jiray. Magaalada Minneapolis ayuu u guuray si uu sare ugu qaado nolosha qoyskiisa.

Geeridiisa ayaa Mareykanka ka abuurtay dibadbaxyo dalka oo dhan ku faafay oo looga dhiidhinayo ficillada ku saabsan midab takoorka.

‘Waxaan doonayaa caddaalad’

.

Xaaskii uu ka geeriyooday George Floyd oo shir jaraa’id ku qabatay xarunta City Hall ee magaalada Minneapolis ayaa sheegtay inaysan fariisan doonin ilaa ay ka hesho seygeeda xaqiisa.

“Waxaan rabaa inuu caddaalad helo, wuxuu ahaa aabbe wanaagsan oo aan u qalmin inuu dhinto isagoo wajigiisa uu dhulka yaallo, gacmaha ay ka xiran yihiin askari boolis ahna uu xoog ugu cadaadinayo culeyskiisa,” ayey tiri.

War-fidiyeenka ayey u sheegtay in ay dooneyso in dhammaan afartii askari ee ku lug lahaa dhimashada seygeeda ay maraan ciqaabta ay ku muteysteen dilkiisa.

“Markii ay xaaladdu dagto, qof walba wuxuu ku laabanayaa gurigiisa iyo qoyskiisa, laakiin Gianna ma heysato aabbe. Waligiis ma arki doono iyadoo weynaatay, oo wax baratay. Waligiis garabkeeda masoo istaagi doono.”

George Floyd oo dhulka yaalla

George Floyd, oo ahaa 46 sano ayaa Isniintii geeriyooday. Wuxuu waardiye ka ahaa mid ka mid ah maqaayadaha ku yaalla Minneapolis.

Wuxuu la kulmay booliska fiidnimadi 25-kii bishan May ka dib markii askarta la wacay oo loo sheegay nin looga shakisan yahay inuu foorjari ama been abuur sameynayo.

Dilkan ayaa waxa uu sare u sii qaaday caradii hore, ee ku aadanayd dilalka ay booliku u geystaan dadka madow ee reer Mareykanka ah, waxaana dilalkaasi ka mid ahaa dilkii Ahmaud Arbery oo ka dhacay Georgia iyo Breonna Taylor oo lagu dilay Kentucky.

Derek Chauvin, oo ah askarigii jilibka luqunta uga hayay Floyd markii uu dhimanayay ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah. Sidoo kale waxaa dacwado wajahaya dhowr askari oo goob joog ka ahaa dhacdadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here