Musharaxa Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland Ee Ugu Saamaynta Badan Gobolka Togdheer Waa kuma!

0
829

Aqoonyahan Eng Abdilahi Osman Samsamle Oo Kamida Musharixiinta Golaha Wakiilada Ee Ka Sharaxan Gobolka Togdheer Ayaa Ah Kan Ugu Hadalhaynta Badan Burco Ee Ay Soo Dhawayeen Dhamaan Shacabka Ku Dhaqan Gobolka Togdheer

Gaar Ahaan Degmada Burco. Hadal Haynta Ugu Badan Ee Bulshadu Dhexqaadayso ayaa Ah Musharaxan, Oo Ah Nin Bulshada Wax Bandan Kusoo Kordhin Kara Gaar Ahaan Dhalinyarada Oo Ah Kuwa U Baahan In La Garab Galo. Isagoo Aan Wali Xil Qaban Ayuu Waxaa Uu Aad U Caawiya Dadka, Sida Goobaha Wax barashada Iyo Bulshada Jilicsan Ee Mudan In Hoos Loo Eego.
Waxaanu Dhalinyarada Ku Booriya Inay Iska Ilaaliyaan Kala Qobqobnaata Dhinaca Kale Musharax Eng Abdillahi Osman Ayaa Ah Nin Aqoon Buuxda U Leh Habka Maamulka iyo waliba booskan Uu Isu Soo Taagay.
 Mudo Aad U Badan Waxaa Uu Ka ka soo Shaqeeyay Aqoonsi Raadinta Jamhuuriyada Somaliland Ee Caalamka Walina U Tafoxaydan Yahay. Eng Samsamle Waxa Uu Bulshada Gobolka Togdheer Uga Martiyahay Inay Ku Taageeraan Hankiisa Iskana Ilaaliyaan Qabyaalada Kala Kaxaysay Bulshada Burco Ee Ay Siyaasiyiintu Dabada Ka Riixayaan.
 Eng Abdillahi Osman

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here