“30 Sano Ayaa Galgalin La Fadhiyaa, Isbeddel-baa Loo Baahan Yahay…”

0
341

Hargeysa (Geeska) – Cali Cantar oo ka mid ah Saraakiisha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay Qoraal loogu Magac-daray ‘Baaq Shacab’, kaasi oo dhawaan ay soo saareen qaar  ka mid ah dhallinyarada Aqoonyahanka ah ee Somaliland isla-markaana isku waydiiyeen waxa Somaliland u qabsoomay 30-kii Sanadood ee u dambeeyay.

Cali Cartan wuxuu sheegay inay Xisbi ahaan taageersan yihiin Baaq-shacab, maaddaama oo aanay dhibaato ku jirin in wax la iska waydiiyo nidaamka ay Xukuumaddu u shaqaynayso.

Siyaasigan oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Baaq Shacab haddaanu Xanuun lahayn Cid walba way taageeraysaa, markaa waanu taageersanahay, haddii la garan waayo Maamulku jihada uu haysto.”

Mr. Cantar wuxuu soo jeediyey in Shacabka la geliyo Rejo oo laga shaqeeyaa sidii Dalku uu Beesha Caalamka ictiraaf uga heli lahaa “Ummadda waa in rejo la geliyaa, waynu go’nay waxaynu hiigsanaynaa inaynu Ictiraaf qaadano, Ictiraafka doon-doonistiisa waa in la arkaa, haddiise laga fadhiisto Ictiraaf doon-doonistii, taasi waxay la micno tahay waxba lama doon-doonayo, imika 30 sanadood ayaa Galgalin la fadhiyaa, markaa isbeddel baa loo baahan yahay. Dadku hadday yidhaahdaan si Fayow oo Dastuuri ah ayaanu wax u galaynaa waanu raacsan nahay.

Arrinta Baaq-shacab, waxaanu leenahay Xukuumaddu wixii dawo ah yaanay Xanuun u qaadan, Nimankaa annagu wax khaldan kuma hayno, yaan la isku dayin in xoog iyo Qab-qab lagu dayo, nimankaasi wax bay sheegeen, ha loo yeedho oo ha lala doodo..”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here