Hay’adda Human Rights Watch Oo Dowladda Maraykanka Ku Eedeysay Inay Xad Gudubyo Shacab Ka Geysatay Soomaliya.

0
437

Hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Human rights watch ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in Ciidammada Mareykanka ay ku guul-daraysteen in ay baadhaan weeraro lagu dilay dad shacab ah intii udhexaysay February iyo May.

Hay’ada Human Rights Watch ma helin wax caddeyn ah oo muujinaya bartilmaamed millatari oo ka dhan ah kooxda Al-Shabab. Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ama dowladda Soomaaliya midna lagama helin in ay la xidhiidheen xubnaha qoyska si ay u baadhaan weerarada ama u qiimeeyaan sheegashadooda ah in wax laga qabto.

“Militariga Mareykanka waa inay hubiyaan in baadhitaanada ay ku hayaan dadka rayidka ah lagu diley laguna dhaawacay howlgalada millatariga Mareykanka ee ka socda Soomaaliya ay yihiin kuwa buuxa oo daahfuran,” ayaa lagu yidhi warbixinta hay’adda.

Laetitia Bader, agaasimaha Geeska Afrika ee Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa yidhi. “Milatariga Maraykanka si dhab ah ugama baadhin laba weerar oo cirka ah oo dhawaan ka dhacay gudaha Soomaaliya kaas oo lagu laayay laguna dhaawacay dad rayid ah.

Intii u dhaxeysay Febraayo iyo May, Human Rights Watch waxay khadka taleefanka ku wareysatay 14 qof, oo ay ku jiraan ehelada dadkii lagu dilay weeraradii Febraayo iyo March – oo afar ka mid ah ay goobta booqdeen waxayna qiimeeyeen macluumaadka dadweynaha ee la heli karo ee ku saabsan duqeynta.

Baadhitaannadii ay sameysay Human Rights Watch waxaa lagu ogaadey in 7 qof oo rayid ah la dilay 3 kalena la dhaawacay oo aan la helin caddeyn muujineysa inay xidhiidh la leeyihiin Al-shabaab. Human Rights Watch ma aysan awoodin inay aqoonsato bartilmaameedyada weeraradan, oo ka dhacay dhulka ay gacanta ku hayso Al-Shabab.

Human Rights Watch waxay sheegtay Fiidnimadii 2-dii Febraayo, duqeymo ka dhacday guri ku yaal Jilib, oo ku taalla gobolka Jubbada Dhexe, in ay ku dhimatay haweeney u dhaxaysa 18 iyo 20 jir isla markaana dhaawacday labadeeda hablood iyo ayeeydeed. Hay’addu waxay tilmaamtay in Mid ka mid ah Hablaha, oo ah 14 jir, iyo ayeeyada, qiyaastii ah 70 jir, uu soo gaadhay dhaawacyo culus.

AFRICOM ayaa soo saartay bayaan ay ku qirayaan in ciidamada Mareykanka ay duqeyn maalintaas ka fuliyeen agagaarka Jilib ayna soo wariyeen in mid ka mid ah “argagixisada la dilay. Qiimeynta bilowga ah ee AFRICOM waxay soo gabagabeysey in ayna jirin waxyeelo soo gaadhay shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here