Ma Fayraska Korona ayaa kusoo laba-kacleeyay Shiinaha?

0
351

Caasimadda Shiinaha ee Beijing ayaa xayiraad kusoo rogtay xaafado kamid ah, waxaana la kordhiyay baaritaannada dadweynaha kadib markii kiisas badan oo Fayraska Korona ah lagu arkay magaaladaasi.

Hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegtay in inkabadan 100 kiis oo cusub laga diiwaangeliyay caasimaddaasi.

Muddo ka badan todobo asbuuc ayaa Beijing waxaa Fayraska Korona laga helayay oo keliya dadka dibedda kasoo laabtay.

Mike Ryan, madaxa WHO u qaabilsan xaaladaha caafimaad ee degdegga ah, ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin kiisaska kasoo cusboonaaday caasimadda Shiinaha.

“Waxaan rabnaa inaan aragno jawaab degdeg ah oo ku aaddan faafitaanka cusub, iyo tallaabooyin wax ku ool ah,” ayuu yiri Ryan.

Maxaan ka ognahay kiisaska cusub?

Kiisaska cusub ayaa lala xiriiriyay suuqa jumlada ee ugu weyn Beijing oo la yiraahdo Xinfadi.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in Fayraska lagu arkay sagxadaha lagu jarjaro kalluunka dibedda laga keeno, taasoo keentay in dukaamada waaweyn ee caasimadda ay khaanadahooda ka saaraan hilibkaasi cad.

Waxaa shaqada laga eryay maamulaha guud ee suuqaasi iyo mas’uuliyiin kale oo maxalli ah.

Hase yeeshee Mike Ryan ayaa ka digay in Fayraska loo saariyo kalluunka ama bacaha lagu xiro.

Mas’uuliyiin kale oo caafimaadka ah ayaa tilmaamay in Fayraska uu ka iman karo meelo kale, sidaana lagu faafiyay.

Madaxa xanuunnada faafa ee Xarunta Xakameynta Cudurrada ee Shiinaha ayaa sheegay in nooca Fayraska laga helay Beijing uu ka duwan yahay kan ku faafay dalkaasi qeybihiisa kale. WHO ayaa ugu baaqday Shiinaha inuu la wadaago xogta Fayraska.

Tallaabooyinka la qaaday

Suuqa ayaa la xiray gelinkii hore ee Sabtida, waxaana bandow lagu soo rogay xaafadaha u dhaw goobtaasi.

Isniintii, Beijing ayaa diyaarisay ku dhawaad 200 oo goobood oo dadka looga baaro Fayraska, waxaana lala xiriiray ku dhawaad 200,000 oo qof oo tan iyo dhammaadkii May booqday suuqaasi, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Xinhua.

Waxaa la xiray goobaha ciyaaraha iyo iskuulo badan oo caasimaddaasi ku yaal.

Walaaca laga qabo in mar labaad ee Fayraska Korona ku faafo Shiinaha ayaa kusoo beegmay xilli ay caadi kusoo laabanaysay noolasha caasimadda Beijing.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here