Turkiga Oo Saluug Weyn Ka Muujiyay Shirkii Somaliland Iyo Soomaaliya, Kana Hadlay Halka Ay Ku Dambeeyeen Heshiisyadii Ay Hore Labada Dhinac U Wada Gaadheen

0
331

Turkiga Oo Saluug Weyn Ka Muujiyay Shirkii Somaliland Iyo Soomaaliya, Kana Hadlay Halka Ay Ku Dambeeyeen Heshiisyadii Ay Hore Labada Dhinac U Wada Gaadheen

Safiirkii hore ee Dawladda Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya, marna ahaa U qaabilsanaha Madaxweynaha waddanka Turkiga wadahalada Somaliland iyo Soomaaliya Dr. Kamaaluddiin Toorun (Cemalettin Kani Torun) ayaa qoraal saluug ka muuqdo waxa uu ku baahiyey barta uu ku leeyayahay degalka xidhiidhka Bulshada ee Twitter isaga oo ka fal celinayay shirka wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya uga qabsoomay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Ambassador Torun isaga oo daba socda shirarkii hore Somaliland iyo Soomaaliya uga qabsoomay waddankiisa Turkiga ee uu Gogoshiisa dhigay Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ayaa waxa uu su’aal iska waydiiyay waxa ku dhacay heshiisyadii hore labada dhinac u kala saxeexdeen waxaanu yidhi: “Maxaa Ku dhacay Saddexdii heshiis ee guddiyadii farsamo ee hore isla gaadheen, ma qashinkaad ku rideen.” Ayuu qoraalkiisa ku yidhi Kani Torun.

Dawladda Turkiga ayaan qayb ka ahayn dhinacyada shirkan ugu dambeeyey saamaynta ku lahaa ama soo qaban qaabiyay waxaanay warar hoose oo soo baxayaa sheegayaan in uu aad uga xumaaday sababta loogu war gelin waayay ama uu door ugu yeelan waayay shirkaasi maadaama uu wakhtigan yahay waddan si weyn saamayn ugu leh waddanka Soomaaliya iyo gaar ahaan dawladda Federaalka ah ee Villa Somalia oo uu taageero weyn siiyo.

Lama oga tallaabada xigta ee uu waddanka Turkigu qaadan doono ee ku aaddan xaaladdan siyaasadeed ee ka soo korodhay dhinacyada Somaliland iyo Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here