Hindiya oo wacad ku martay awood milatari iney xadkeeda ku difaacanayso

0
537

Hindiya ayaa wacad ku martay awood ciidan iney xadkeeda ku difaaceyso, kaddib marki 20 askari ay ka dileen ciidamada Shiinaha Isniinti la soo dhaafay.

Ra’isal Wasaaraha Hindiya Narendra Modi wuxuu sheegay wakhti xaadirkan iney jirin ciidama shisheeye oo ku sugan xadka Hindiya iyo dhul laga qabsaday toona.

Dalka Shiinaha qasaaraha ka soo gaaray dagaalka ciidamada Hindiya ay la galeen wax war ah kama soo bixin, tani iyo marka uu labada dal uu iska horimaadka uu ku dhex maray xadka Himalayan ee ay labada dal isku hayaan.

Labada dal oo ku hubeysan hubka Niyukilarka ayaa dalba dalka kale uu ku eedeeyey inuu xadka soo tallaabay dagaalkana uu billaabay.

Hindiya waxay sheegtay labada dalba qasaara inuu ka soo gaaray dagaalki ku dhexmaray buuraleyda Galwan ee ku yaalla Ladakh.

Ra’isal Wasaaraha Hindiya Narendra Modi oo Jimcihi shacabka dalka Hindiya telefishiinka kala hadlay wuxuu sheegay ciidamada Hindiya iney amar buuxa u haystaan “iney qaadaan tallaabbo kasta oo milatari” oo ay ku difaacayaan xuduudaha dalka Hindiya.

“Dalka Hindiya wuxuu si aad ah uu uga xumaaday ugana carooday tallaabbadii u Shiinaha ku dhaqaaqay, “ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray “Hindiya nabad iyo saaxibtinimo iney dooneyso balse ay qaranimadeeda gorgortan ka galeyn.”

Mr Modi oo ka hadlay dagaalki Isniinti dhacay wuxuu sheegay, “iney gudaha xuduudda Hindiya xoogag shisheeye ku sugneen dhul ay Hindiya leedahayna aan la qabsan”.

Labada dal ayaa waxay 1996-kii ay galeen heshiis xadka ay labada dal isku hayaan ka manuucaya hubka iyo waxyaabaha qarxa.

Wararku waxay intaasi ku darayaan dagaalka xadka ku dhexmaray cidamada Hindiya kuwa Shiinaha in lagu dhaawacay ugu yaraan 76 askari oo Hindiya ah.

Image caption.

Warbaahintu waxay sheegeen ciidamada labada dal inuu dagaalka ku dhex maray dhul buuraleeyn uu badkiisa gaarayo 4,300 mitir, halka ay ciidamada qaar dagaalka marka uu dhacay ay ku daateen wabiga Galwan oo qabowgiisa eber uu ka hooseeyo.

Maxaa dhacay intii ay socdeen isku dhacyada?

Ugu yaraan 20-askar oo u dhalatay dalka Hindiya ayaa lagu dilay dhacdadii habeennimadii Isniinta.

Dhacdadaasi waxay ka dhacday buuralleyda Galwan ee gobolka lagu muransan yahay ee Ladakh.

Dowladda Shiinaha ayaa ku eedeysay ciidamada Hindiya in ay labo jeer ka soo tallaabeen xuduudda, iyagoo “carreysanna ayna weerarayaan shaqaalo u dhashay Shiinaha oo nawaaxiga xadka ku sugnaa”.

Labada dhinac ayaa ku adkaystay inaan wax rasaas ah aysan dhicin. Saraakiisha dalka Hindiya ayaa meesha ka saaray tirada dagaallamayaasha oo gacmaha ku haysta ulo bir ah iyo dhagaxyo.

Waxaa jiray warbixino sheegaya khasaaraha soo gaaray Shiinaha, balse si rasmi ah looma xaqiijin karo.

Saraakiisha militariga ee labada dal ayaa markii dambe kulmay, si ay “u dejiyaan xaaladda”, ciidamada Hindiya ayaa sidaasi sheegay.

Waa maxay sababta ay u dagaalamayaan?

Militiriga labada dal, ayaa muddo tobannaan sano ah isku heystay dhulka aadka u sarreeya ee buuraleyda ah, oo u badan gobol aan la degganeyn.

Ciidammadoodu ayaa si fool ka fool ah isaga hor imaanayay meelo badan oo ah illaa 3,440km (2,100-mile, waana xadka ay wadaagaan.

Iskahorimaadka ayaa yimid,kadib markii bilihii la soo dhaafay ay xiisado ka dhasheen waddo cusub oo Hindiya laga dhisay oo ku taalla magaalada Ladakh, iyada oo la raacayo Khadka Tooska ah ee kala qaybiya labada dhinac ee xuduudda.

Taasi ayaa ka careysiisay Shiinaha, oo ciidan geeyay halkaas, waxayna kaabayaal gar ah ka dhiseen dhulkeeda lagu muransan yahay, taas oo keentay in labada dhinac ay ciidamadooda ku soo dhowaadaan ayna sii kordhiyaan halista dagaallada.

Maxay arrintan muhiim u tahay?

Labada dhinacba waxay u arkaan deegaanka uu yahay mid muhiim ah, xag dhaqaale iyo mid milatariba.

Hadduu midkoodna uu waddo helin, wuxuu iska hor imaatinkaas cawaaqib xumo ku yeelan karaa gobolka ay ku isku khilaafsan yihiin.

Nolosha lagu weynayo dagaalka ayaa sare u sii qaadeysa xaaladaha cakiran. Dhimashadaas ayaa la rumeysan yahay inay tahay tii ugu horreysay muddo 45 sano ah oo ka dhacda xadka u dhexeeya Hindiya iyo Shiinaha. Waxay dagaallameen hal mar oo keliya, sannadkii 1962, markii Hindiya ay la kulantay guuldarro aad u xun.

Sidee arrintan khatar u noqon kartaa?

Waa halis aad u daran, haddii dadaalka deminta collaadda uu fashilmo.

Maalmihii la soo dhaafay, jeneraallo ciidan oo ka kala socda Hindiya iyo Shiinaha ayaa ku lug yeeshay wadahadallo loogu talagalay xalinta dagaalka xadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here