Khilaaf Ka Taagan Maamulka Dawlada Hoose Ee Degmada BURCO Iyo Sababta Keentay

0
296

 Khilaaf Ba,an Ayaa Maalmihii ugu Danbeeyey Hadheeyey Maamulka Dawlada Hoose Ee Degmada BURCO,Khilaafkan Ayaa La Sheegay Inuu U Dhexeeyo Xog-hayaha Dawlada Hoose Ee Degmada Burco Iyo Maayir Ku Xigeenka Muxumud Jaamac Xoday,

Khilaafkan Ayaa Sababay In Masuuliyiinta Dawlada Hoose Laba Garab U Kala Jabaan,Isla Markaana xog-hayaha Degmada Iyo Maayirka Degmada Burco Isku Aragti Ka Noqdeen ,Nadaamka Loo Maamulaayo Awood Qaybsiga Shaqada,Balse Waxaa Arintaasi Ganafka Ku Dhuftay Maayir Ku Xigeenka Dawlada Hoose,
Inkasta Oo Aan Si Rasmiya Loo Cadayn Halka Sartu Ka Qudhunsan Tahay,Hadana Waxaa Todobaadkii Ugu Danbeeyey Maamulka Dawlada Hoose Laga Dareemayey Khilaafkan Soo If-Baxay Kaas Oo In Mudo Ah Soo Jiitamaayey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here