Maxaa Ka Jira In Beri Qorax Madoobaad Aduunka Ka Dhici Doono

0
561

Maalinta Bari ah oo Axad Ah Bishuna Tahay June 21 Qorax Madoobaad Ayaa Ka Dhici Doona Qaybo Kamidda Africa Qaybo Kamidda Yurub iyo Asia oo Dhan.

Somaliland Waxa Ka Dhacaya Qayb Qorax Madoobaad oo Cadceedu Qarsoomi Doonto 81.11%.

Waxa uu Bilaabmi Doonaa Saacadu Markay Tahay Hargeisa 6:50:52 am Hargeisa Waxa uu Socon Doona 2 Sacadood iyo 33 Minid iyo 25 ilbidhiqsi Qorax Madoobaadku Si Buuxda Waxa Loo Arkaya 8:00:58 am Waxa uu Dhamanayaa 9:24:17 am

Halka Burco Ka Danbaynayso Hargeisa 15 ilbidhiqsi oo Qayb Qorax Madoobaadku Ka Bilaabmi Doono 6:51:7 am Qorax Madoobaadka Burco Waxa uu uu Soconayaa 2 Sacadood iyo 35 Minid iyo 2 il Bidhiqsi Laba Minid Ayey Burco Hargeisa Dheeraanaysaa Si Buuxda Waxa Loo Arkayaa Burco 8:01:51 am Waxa uu Dhamanayaa 9:26:09 am.

Halka Ceerigaabo Qayb Qorax Madoobaadkani uu Ka Bilaabmi Doona Saacadu Markay Tahay 6:52:42 am Waxana uu Socon Doonaa 2 Sacadood iyo 39 Minid iyo 19 ilbidhiqsi Ceerigaabo Ayaa ugu Mudo Dheer Somaliland inta uu Qorax Madoobaadku Soconayo Si Buuxda Waxa Loo Arkaya 8:05:11 am Waxa uu Dhamanayaa 9:32:01 am.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here