Masar oo ku gooddisay iney taageero milatari siineyso Khalifa Xaftar

0
312

Madaxaweynaha dalka Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa ku gooddiyay iney suurtagal-tahay in dalkiisa qaadi doono tallaabo milatari oo lagu taageerayo janaraal Khaliifa Xaftar oo ay awooddisa hoos u sii socoto inkastoo weli uu ka amar taagleeyo magaalada sirte.

Khudbad uu telefishinka ka jeediyay ayuu Sisi ka sheegay in magaalada sirte ay masar u tahay khad cas, wuuxuna ku nuux-nuuxsaday in dhaq-dhaqaaqkasto oo ay sameeyneyso xukuumadda Qaahira ay noqon doonto mid waafaqsan sharuucda caalamiga ah.

Dowladda ay aqoonsan-tahay Qaramada Midoobay ayaa hadalka madaxaweyne Cabifataax ku tilmaantay inuu yahay ‘dagaal ka dhan ah dadka reer Liibiya’ waxayna shegtay ineysan jirin wax la yirahdo khad casaan ah oo ku yaalla gudaha Liibiya.

Ciidamada dowladda oo uu Turkiga baritaarayo ayaa ku sii siqaya magaalada Sirte iyagoo horayna ula wareegay magaalooyin muhiim u ahaa Janaraalka loo taagta-waayay.

Xulkuumadda Ankara ayaa tiri: ‘waa in Janaraal Xaftar uu isaga baxo magaalada Sirte, haddii la doonayo in la helo xabad joojin waarta’

Mar sii horreeysay dalalka baritaara khalifa Xaftar ayaa ku baaqay xabad joojin, iyo in la billaabo wadaxaajood lagu xallinayo xaaladda ka aloosan Liibiya.

Waxaa horay fashil ugu dhaamaaday wada-hadallo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya Dowladda Liibiya iyo janaraalka Khaliifa Xaftar.

Baratamihii sannadkii hore ayaa waxaa aad u xogeystay awoodda khaliifa Xaftar isagoo gulufyo xooggan ku qaadayay xarunta dowladda ee Tripoli iyo guud ahaan koonfurta Liibiya.

Dagaalladaasi waxaa ka dhashay khasaare xooggan oo waxaa xitaa la xiray garoonka diyaaradaha ee magaalada kaddib markii gantaallo awood badan lagu garaacay magaalada. Xitaa maleeshiyada taabacsan xaftar waxaa u suurogashay iney dhowr kilomitir gudaha u galaan magaalada xarunta u ah dowladda uu caalamka aqoonsan yahay.

Waa kuma Xaftar?

Janaraal Khaliifa Xaftar oo qayb ka ahaa siyaasadda Liibiya muddo ka badan afartan sanno ayaa wuxuu noqday nin ay warbaahinta caalamka aad u hadal hayeenbillooyinkii lasoo dhaafay.

Khaliifa Xaftar Wuxuu ku dhashay bariga magaalada Ajdabiya, sanadkii 1943-kii.

Xaftar wuxuu ka mid ahaa koox saraakiil ah oo hogaaminaysay duulaankii Korneyl Mucamar Qadaafi uu awoodda kaga qaaday boqor Idris, bartamihii 1969-kii.

Ciidamo ka amar qaata isaga ayaa la wareegay maamulka saldhigyada saliidda ugu waaweyn ee dalkaasi Liibiya, iyadoo ujeedkeedu uu ahaa, in dalalka saaxiibka la ah ay u dhoofiyaan shidaalka uu dalkaasi qaniga ku yahay, waxaana ay saldhigteen magaalada dhinaca bari ku taalla ee Tobruk.

Hogaamiyihii hore ee dalka Libya, Macamar Al Qadaafi ayaa Haftar u dallacsiiyay garaadada ciidanka ugu sarreysa, wuxuuna taliye ka ahaa ciidamada Liibiya ee ka qeyb qaatay dagaalkii dalka Chad ay la galeen sannadkii 1980-kii.

Dib usoo noqoshada Haftar

Ka dib markii uu billowday kacdoonkii looga soo horjeeday Qadaafi sanadkii 2011-kii, Xaftar wuxuu ku laabtay Liibiya halkaas oo uu noqday taliye muhiim ah oo ka mid ah xoogagga mucaaradka ah ee kacdoonka ka waday dhanka bari ee dalkaasi.

Markii ay dhacday dowladdii Qadaafi, Janaraal Xaftar kama uusan soo muuqan shaashadaha tan iyo bishii Febraayo ee sannadkii 2014-kii, markaas oo uu qorshihiisa ka sheegay warbaahinta, si uu qaranka u badbaadiyo, wuxuuna ugu baaqay dadka Liibiya in ay kasoo horjeestaan baarlamaanka la doortay, Congress-ka Guud ee Qaranka (GNC), kaas oo weli aysan muddadu u dhammaan.

Hadalkiisa ayaa ku soo aaday xilli markaas magaalada labaad ee ugu weyn Liibiya, ee Benghazi iyo magaalooyin kale oo ku yaalla bariga ay saameeyeen la wareegiddii ay la wareegeen kooxda Al-Qaacidada xiriirka la leh, ee Ansar Al-Sharia.

Waxaa soo baxay kooxo kale oo Islaamiyiin ah, kuwaasoo sameeyay dilal qorsheysan iyo qaraxyo lagu bartilmaameedsanayo milatariga, booliiska iyo shaqaale kale oo dowladeed.

Wixii hadda ka horeeyay caannimada Janaraal Khaliifa Xaftar ma dhaafsiisaneyn Liibiya, inkastoo xiriir hore uu la lahaa Qadaafi iyo Mareykanka, balse hadda oo ay ciidammadiisa ay ku sii siqayaan Caasimadda, wuxuu noqday janaraal indhaha caalamku ay eegayaan.

Bishii May ee sannadkii 2014-kii wuxuu Haftar billaabay howlgal uu ugu magac daray Mabaadi’da Sharciga oo looga soo horjeeday kooxaha Islaamiyiinta ah ee fadhigoodu ahaa Benghazi iyo Barigeeda.

Bishii Maarso ee sannadkii 2015-kii, Baarlamaanka ayaa la doortay, Golaha Wakiillada oo beddelay GNC ayaa u magacaabay taliyihii ciidanka Liibiya, balse sanad kadib oo horumar yar la sameeyay ayay weerrar ku qaadeen dagaalyahannada Islaamiyiinta ah oo ka soo duulay magaalada Benghazi.

Bishii Sebtembar 2016, Ciidanka Qaranka Liibiya waxay billaabeen howlgal lagu magacaaby “howlgalka ciribtirka”, oo lagu badbaadinayo goobaha keydka shidaalka, iygoo garabsanaya Qaramada midoobay.

Goobaha muhiimka ah ee saldhigyada saliidda waxaa ka mid ah Zueitina, Brega, Ras Lanuf iyo Sidrah , kuwaasoo dhammaan hodan ku ah saliidda loo yaqaan ‘Crecent Oil’.

Markaasi ka dib, Afhayeenka iyo Taliyaha ugu sarreeya ciidamada qalabka sida, Agilah Saleh, ayaa dalacsiyay Xaftar oo waxaa uu ka dhigay taliyaha guud ee dalkaasi.

Inkastoo Haftar uusan ku faraxsanayn siyaasadaha maamulka dalkaasi ka jira ayaa hadana waxaan caddeyn damaciisa gaarka ah ee siyaasadda dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here