Qaramada Midoobay Oo Been Abuur Ku Sheegtay Jaamacad Muqdisho Laga Furay Maxkamadna La Tiigsanaysa

0
310

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inaysan lahayn Jaamacad dhawaan laga furay Magaalada Muqdisho oo wadata magaceeda.

War saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in QM aysan wax xiriir ah la lahayn Jaamacad “lagu lagu tilmaamay inay Qaramada Midoobay leedahay” oo uu maamula ka yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi.

“Iyadoo laga jawaabayo su’aalo nala soo weydiiyay, waaxda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay caddeyneysaa inuusan jirin xiriir ka dhaxeeya hay’addaQaramada Midoobay iyo wax loogu yeeray Jaamacadda Qaramada Midoobay ee Soomaalia”, ayaa lagu billaabay qormada warsaxaafadeedka.

“In si sharci ah loo adeegsado astaanta Qaramada Midoobay waxay ku suurtagali kartaa oo kaliya in la oggolaado codsi aad u adag iyo in la maro nidaam ku xiran in fasax qoraal ah uu kasoo baxo xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay”.

“Jaamacadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNAS) ma aysan codsanin, xog-hayaha Qaramada Midoobayna uma uusan fasixin inay magaca ama astaanta Qaramada Midoobay u isticmaasho ujeeddooyin ganacsi”.

Astaanta Qaramada Midoobay
Astaanta Qaramada Midoobay
Jaamacadda cusub ee laga furay Soomaaliya ayaa wadata astaanta caanka ah ee Qaramada Midoobay, waxayna mas’uuliyiinteeda horay u sheegeen “inay hoos tagto hay’addaas caalamiga ah”.

Bayaanka kasoo baxay UNSOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in uu socdo dadaal ay Qaramada Midoobay maxkamad kula tiigsan doonto maamulka Jaamacaddaas.

“Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya wuxuu ku howlan yahay xiriirro uu la sameeyay maamulka Jaamacadda UNAS iyo mas’uuliyiinta u marti galiya website-ka caalamiga ah ee ay ku leeyihiin Internet-ka, waxayna xiriir kaas la mid ah la sameysay dhammaan bogagga kala duwan ee ay ku leedahay baraha buslahada ee sida aan fasaxa loo heysanin loogu isticmaalay magaca iyo astaanta QM. Sidoo kale, Qaramada Midoobay waxay sharciga la tiigsaneysaa Jaamacadda UNAS, si arrintaasi loo joojiyo”.

Xaflad la qabtay 11-kii bishii May ayaa lagu daah furay Jaamacadda, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin uu ka mid yahay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad.

Bishii May ee sannadkan 2020-ka ayaa si rasmi ah loo furay Jaamacaddan

MAHAD ABDALLA AWAD Iyo Cali Maxamed Geeddi

Bishii May ee sannadkan 2020-ka ayaa si rasmi ah loo furay Jaamacaddan
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Barfasoor Cali Maxamed Geeddi ayaa munaasabaddaas ka sheegay in Jaamacaddu ay faa’iido weyn u yeelan doonto ardayda ka baxay jaamacadaha gudaha Soomaaliya.

“Jaamacaddan curdunka ah, waa guul usoo hoyatay umadda Soomaaliyeed, waxayna buuxineysaa baahidii ardayda Soomaalida ee marka ay jaamacadaha ka baxay dalalka dibadda u raadsan jiray shahaadooyinka heerka labaad ee mastarka iyo PhD-da, taasoo juhdi badan iyo dhaqaale badan uu uga bixi jiray.

Wuxuu Geeddi sheegay in Jaamacaddu ay qeyb ka tahay howlaha ay Qaramada Midoobay ka waddo Soomaaliya.

“Waxaan hambalyo leeyahay ardayda sannadkan billaabeysa akadeemiyada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Akadeemiyadan waxay ka mid tahay “United Nations Assosiation of Soomaaliya”=(ururrada ku mideysan howlaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya), oo ku howlgala sida bulshada rayidka ah ee dowladaha adduunka, sidaas ayey iyaguna u yihiin bulshada rayidka ah ee Qaramada Midoobay, waxayna dhiirrigaliyaan oo hormariyaan barnaamijyada Qaramada Midoobay ee kala duwan,” ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ay maamulka Jaamacaddan kasoo saareen eedeymaha Qaramada Midoobay.

Geeddi wuxuu Ra;iisul Wasaare kasoo noqday xukuumaddii ku meel gaarka ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed, isagoo xilka hayay intii u dhaxeysay 2004-tii ilaa 2007-dii.

isku day ayaan sameynay si aan Geedi eedeymahani wax uaga weydiino, balse wali inooma suurtagelin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here