Cabdilaahi Dirawal Oo Ka Digay Halista Isdhexgalka Ee Somaliland Iyo Soomaaliya

0
319
Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) oo ka mid ah Siyaasiyiinta reer Somaliland ayaa ka hadlay Marxaladda uu dalku marayo, War-murtiyeedyadii kala dambeeyay ee ka soo baxay Shirkii Jabuuti ee Somaliland iyo Soomaaliya iyo Arrimaha xilligan taagan.

Cabdillaahi oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in sideedaba aanu rejo wanaagsan ka qabin Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, War-murtiyeedyadii kala dambeeyay ee Jabuuti ka soo baxayna tuseen sida Madaxdii Somaliland u joogtay Shirkaasi awoodda ugu lahayn inay ilaashadaan waxa War-murtiyeedyada lagu qorayo, waxaanu yidhi isagoo arrimahaa ka hadlaya “Waxa nasiib-darro ah inay soo baxeen laba war Murtiyeed, War-murtiyeed ahaa Maalintii 18-ka bisha June ee ay Meesha ka imanayeen (Weftiga Somaliland), kaasi ahaa wixii ay ku heshiiyeen Guddigii Farsamo ee Wasiirrada ahaa, kaasi oo aanay wax khalad ah ku sheegin. Waxa nasiib-darro ah iyadoon dib la isku arag in 22-kii Bisha June uu War-murtiyeed cusub.”

Cabdillaahi Xuseen Iimaan wuxuu layaab ka muujiyey Qodob ku jiray War-murtiyeedka Dambe oo sheegayey in la wada Maamulayo Hawada Somaliland iyo Soomaaliya, kaasi oo Wasiirka Arrimaha dibeddu sheegay inuu si khalad ah loo qoray “Waxay yidhaahdaan khalad Madbiciya ayuu ahaa, Anigu taas waxaan u arkaa in Dadka Caqligooda la caayayo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Markay sidaa tahay waxay noqonaysaa saddex Arrimood uun, in wixii ay saxeexeen aanay ilaashan karaynin, marka hore inaad waxa la qorayo ogaato, waxa soo baxayana ogaataa waa waajib Qaran oo ku saaran, hadday taasi dhacdayna waa Masuuliyad-darro, waana dambi Qaran, ta labaad ee dhici kartaana waa inay ogaayeen oo ay Dadka khiyaamaynayeen oo ay yidhaahdeen Madaarkaa la noo taagan yahay oo waalla na soo dhawaynayaan ee dib noogu yar dhiga oo hadhow ku soo dara oo soo daaya, ta saddexaadna waxa weeyaan, in aanay waxba ogayn oo loo yeedhinayo, taasina kaba sii daran. Nimanka ogaan kari waayay in Murtiyeedkii laga soo saaray heshiiskii ay la galeen Soomaaliya inuu khalad yahay iyo sax yahay miyeynu masiirkeena ku aaminaynaa ? Anigu waxaan aaminsanahay in Somaliland ka fikirto sida Masiir Ummadeed loogu aaminayo Nimankaa, Waayo? berina inta Midnimo laga saxeexo ayay odhan waa Khalad Madbiciya.”

Siyaasi Dirawal waxa kale oo uu shaki ka muujiyey waxay Farmaajo iyo Abiy Axmed kaga mashquulsan yihiin Somaliland, intii ka dambaysay kulankii Addis ku dhex maray Madaxweynaha Somaliland “Kulankii dhex maray Abiy, Muuse iyo Farmaajo (Addis Ababa) laga bilaabo Maalintaa illaa Maanta Abiy iyo Farmaajo Dalalkoodiiba way iloobeen oo innaga (Somaliland) ayuun bay innaga shaqaynayaan sidii Niman wax og, Muuse-na waxba inooma sheegin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Caalamka, marka Dad is haya la heshiisiinayo waxa laga bilaabaa Xabad joojin, waar dagaal bay nimanku innagu wadaan Cir iyo dhul ah, bari oo dhan imika iyagaa haysta, Buuhoodle Xisbiyadiisii baa ka furan, Badhan waxa ka dhaca Mudaharaaddo isaga lagu taageerayo, Wasiirkiisa Qorshaynta ayaa habeen dhawayd ku faanayey oo lahaa Jaamacadda Ummadda Faraceedii ugu horreeyay ee aanu Somaliland ka furnay Badhan baanu ka furnay, ma waxaad leedihiin Dawladda Somaliland ma oga waxaas iyo Dalkan Dadka kale haysto, oo kii haystay ee waxaa ka dhex waday uu inoo yeedhayo oo uu leeyahay kaalaya aynu shirnee, ficil la’aantani maxay tahay? Ma waxay odhan kari waayeen dagaalka naga daa’ aanu kula hadalnee, Ninka dagaalka caynkaas ahi kaaga socdo ee aan kuba aaminsanayn ee aan ku ogayn inaad jirto oo aad Dawlad tahay waan kula shirayaa oo weliba waynu is dhex yaacaynaa, halkay iskaga imanayaan garan mayno, waxbaa qarsoon ee waxa Qarsoon ha loo sheego Dadka, miyaan loo qaadan karin, xaggan ka soo fadha (bariga) inta kalena annagaa idinku soo dhex tuuriye. Ummadda reer Somaliland waxaan leeyahay Masiirkooda ha u soo jeedsadaan oo ha ilaashadaan.”

Cabdillaahi wuxuu ka dhigay Qodobka is-dhex-galka “Awalba Dhallinyaradii Lacagta loo daadinayey haddii lagu yidhaahdo waalla idin fasaxay ee Nin walowba meeshaad doonto tag, sidan ahaan mayso Somaliland ee Nin walba wuu tashan doonaa, Somaliland-na ma jirayso markaa, haddii la doonayo in Somaliland jirto hala joojiyo (Is-dhex-galka), Waayo? xitaa waxaanan ogolayn inaanu la wadaagno duulimaadyada (Maamulka Hawada).” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Siyaasaddii Kulmiye ee Federaalka ahayd ee Siilaanyo markuu Guddoomiyaha SNM ahaa ku dhawaaqayey ayaa weli socota.”

Dirawal wuxuu ka dardaar weriyey Madaxweyne Biixi oo uu sheegay inay markii hore u han-waynaayeen “kii aanu is lahayn markuu meesha fadhiisto Nin walba dib buu uga fadhiisan, haddii loo soo qoslo oo Maalin walba wixii la rabo (laga dhamaysto) waa nasiib-darro oo kii uu Faqashta ku sheegayey uu uga roonaado dalka. Waxaan kugula talinayaa inaad waxan ka baxdo, Waayo? Soomaaliya waxba inooma hayso weligeedna odhan mayso taga.”

Dirawal uu wuxuu Madaxweynaha u soo jeediyey “Adeer Dadka jihee oo u samee Qorshe horumarineed oo dhaqaale, difaac adagna u samee, beri wax dhici kara war uma haysid, Maanta iyagaa isku jeeda (Soomaaliya) Laakiin Qadiyaddaada way ka midaysan yihiin, Adiga ayay kugu soo jeedsan karaan, maalin walba Ciidamo ayaa loo Tababbaraa, Dawlado waaweyn baa Maalin walba hub siiya, innaguna waynu daawanaynaa oo waxa la innagu maaweelinayaa kaalaya wada-hadalnee, markaa waxani ma shaqaynayaan ee Talo halla isugu yimaaddo, intiina Maamulkuna Dalkan meel geyn kari maysaan ee Dadka la tashada…”ayuu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here