Maxaa sababay in Ra’iisul Wasaaraha Pakistan uu “Shahiid” ku tilmaamo Cusaama Bin laden?

0
370

Caro weyn ayaa ka dhalatay hadal uu jeediyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Pakistan Imran Khan, kaddib markii uu “Shahiid” ku tilmaamay hoggaamiyihii ururka Al-Qaacida ee uu dilay Mareykanka.

Xildhibaannada kasoo jeeda garabka mucaaradka ee Pakistan ayaa si weyn u dhaliilay Ra’iisul Wasaaraha. Hase ahaatee, waxaa su’aalo badan la iska weydiinayaa sababta uu Imran Khan eraygaas ugu adeegsaday dilkii Bin Laden.

Falanqeyn: M Ilyas Khan

M Ilyas Khan, oo ka mid ah wariyeyaasha BBC-da ee ku sugan caasimadda Pakistan ee Islamabad, ayaa qormo kooban ku sababeeyay hadalka Ra’iisul Wasaare Khan ee carada dhaliyay.

Sababta uu Imran Khan “shahiid” ugu tilmaamay Cusaama Bin Laden ma aha mid la xiriirta fikraddii la xiriirtay weerarkii 9/11 ee lagu qaaday Mareykanka, kaasoo uu abaabulay hoggaamiyihii Al-Qaacidda. Waxay la xiriirtaa arrin siyaasadeed oo uu wato Ra’iisul Wasaare Khan.

Dunidu mar hore ayey kasoo gudubtay siyaasadihii ku qotomay qaraxyadii 9/11, laakiin dhaqdhaqaaqyada kooxaha mintidiinta Islaamiga ah wali way socdaa. Dadka wax falanqeeya waxay kooxahaas u arkaan hubka ugu weyn ee ay dowladda uu milatariga awoodda ku leeyahay ee Pakistan u adeegsato ujeeddooyinkeeda ku aaddan waddamada Hindiya iyo Afghanistan.

.

Haddaba tallaabo kasta oo lagu wiiqo darajadii Bin Laden waxay kooxahaas u arki karaan cadaawad iyaga ka dhan ah.

Mr Khan waxay dadka kasoo horjeeda u arkaan inuu aad ugu dhow yahay milatariga awoodda badan ee dalka Pakistan – xilkana wuxuu ku qabsaday doorasho dhacday sanadkii 2018-kii, taasoo dadka qaar ay sheegaan inuu ku shubtay isagoo kaashanaya milatariga.

Erayga uu Bin Laden ugu adeegsaday khudbaddii uu jeediyay Khamiistii ma ahayn mid afkiisa uga soo baxay si kama’ ah ama aan ku talagal ahayn.

Dad badan waxay dareemeen in xilligiii uu khudbaddaas jeedinayay uu markii hore uu Bin Laden ku tilmaamay in “la dilay” laakiin uu hadalkiisa gadaal ka saxay kuna tilmaamay inuu “shahiiday”.

Imran Khan iyo Donald Trump

Hindiya ayaa si joogto ah Pakistan ugu eedeysa inay taageero buuxda siiso kooxaha mayalka adag ee dagaalka kala horjeeda xukuumadda Delhi.

Isbuucan gudihiisa waxay xukuumadda Delhi waddankeeda ka eriday kala badan ka mid ah shaqaalaha ka howl gala safaaradda ay Pakistan ku leedahay Hindiya.

Dhowr toddobaad ka horna waxay Hindiya sheegtay inay waddankeeda ka musaafurisay qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Pakistan, kuwaasoo ay ku eedeysay inay ka shaqeynayeen dhaqdhaqaaqyo basaasnimo ah iyo xiriir ay la lahaayeen kooxo argagixiso ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here