Weerar Lagu Qaaday Suuqa Sarrifka Pakistan Ee Ku Yaalla Magaalada Karachi

0
368

Rag hubaysan oo weerar ku qaaday suuqa sarifka ee Pakistan ee ku yaala magaalada Karachi, ayaa ugu yaraan dilay laba qof qaar kalana halkaas ku dhaawacay, sida ay warbaahinta dalkaas sheegtay.

Dablayda weerarka gaysatay ayaa bam gacameed ku tuuray albaabka weyn ee dhismaha suuqa.

Wararka ayaa sheegaya in booliska ay dileen qaar ka mid ah dablaydaan hubaysan, balse uu weli weerarka socdo.

Weli ma cadda tirada ay yihiin nimanka dhismaha weeraray iyo waxa ay damacsanaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here