Boqollaal maraakiib ay Iiraan leedahay ‘oo si sharcidarra ah uga kalluumaysta xeebaha Soomaaliya’

0
336

Kolonyo maraakiib kalluumaysi ah oo laga leeyahay waddanka Iiraan ayaa waxaa lagu arkay iyagoo ka howlgalaya biyaha Soomaaliya oo si sharcidarra ah halkaas uga kalluumaysanaya, sida uu sheegay wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda ee Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan Warsame.

Wasiirka oo la hadlayay BBCda ayaa sheegay in bartamihii Bishii Maarso ay digniin u direen dowladda Iiraan hasayeeshee aanay aanay wax tallaaba ah qaadin.

“Maadaama Iiraaniyiinta naga dhaxayn xiriir diblumaasiyadeed, dhibbay nagu noqotay inaan markiiba gaarno laakiin dacwaddaas waannu gudbinnay wayna haystaan, markii ay waxba ka qaban waayeenna adduunweynaha iyo ciddii kale ee aan rabnay inay garab naga siiyaan tuuganimadaas cad oo bareerka ah baan u gudbinnay,” ayuu yiri wasiir Bidhaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay la timid qalab casri ah oo ka caawin kara la socodka dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee xeebaha dalka. “Maraakiibtan qalab aannu ku aragnaanu leennahay,” ayuu yiri wasiirka oo sii raaciyay “Maraakiibta magacyadooda iyo cidda leh baannu haynaa ee wax aannu qiyaasayno ma ahan.”

Dhanka kale laba hay’adood oo aan dowli ahayn ayaa iyana kahadlay wararka ku saabsan kalluumaysiga sharcidarra ah ee lagu hayo xeebaha Soomaaliya iyo Yemen.

Mid ka mid ah hay’adhaasi oo lagu magacaabo Global Fishing Watch, ayaa howlgalkaasi waxa ay ku tilmaantay mid ka mid ah howlgallada kalluumaysiga ee sharcidarrada ah ee ugu ballaaran. Waxa ay hay’addu sheegtay in ku dhawaad 200 oo maraakiib ay Iiraan leedahay lagu arkay biyaha Soomaaliya iyo Yemen.

Dowladda Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in kolonyo ballaaran oo maraakiib ah oo ku gooshaya calanka Iiraan ay wadeen kalluumaysi “aanan la baahin” oo “sharci darra ah” kaas oo “halis wayn ku ah cunnada iyo horumarka dhaqaalahaba”.

Kalluumaysiga sharcidarra ah ayaa ah mid si weyn ugu baahsan biyaha Soomaaliya walow ay badda ku sugan yihiin ciidamo caalami ah oo ka kala socda dalal kala gadisan kuwaas oo ay shaqadoodu tahay inay ka hortagaan falal dambiyeedyada ka dhaca Badweynta Hindiya.

Bishii Maarso, dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay uga digtay dalalka Iiraan iyo Pakistan kalluumaysiga sharcidarrada ah ee ay ku hayaan biyaheeda. Dowladda ayaa waxa ay hore u xirtay tobannaan kalluumaysato oo u dhalatay dalka Iiraan oo la qabtay iyagoo ka kalluumaysanaya biyaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa xiriirkii diblumaasiyadeed waxa ay 2016 u jartay dowladda Iiraan kaddib markii ay Tehraan ku eedaysay inay faragalinayso arrimaheeda gudaha iyo inay khatar ku tahay ammaankeeda qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here