Guddiga Joogtada Ah Ee Golaha Wakiillada Oo Eedaymo U Jeediyey Faysal Cali Waraabe

0
435

Guddida joogta ah ee Golaha Wakiillada ayaa sheegay in Golaha Wakiillada Somaliland uu kalsoonidii iyo wadashaqayntii kala noqday Guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe.

Guddiga oo Shalay shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Golaha Wakiillada ayaa iyagoo daliishanaya Qodobbo ka mid ah Dastuurka waxay sheegeen inuu Guddoomiyuhu ku gefay Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee laga soo doorto Gobollada bariga, gaar ahaan Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax, sidasi darteedna ay soo jeedinayaan in xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland inuu ku soo oogo eedaymo salka ku haya Kicin dadweyne oo ay sheegeen inuu ka dhalan karo xadhig u dhexeeya 6 Bilood ilaa 5 sano oo uu waajihi karo Gudoomiyaha xisbiga UCID.

Guddiga ayaa Warbaahinta u akhriyey Qoraal dheer oo ay ku soo ururiyeen eedayamaha ay ka tirsanayaan Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxay bilaabeen “Waxa noo caddaatay in Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe hadalkii ka jeediyey Warbaahinta Maxaliga ah Taariikhdu markay ahayd 27/May/2020 inuu ku xad-gudbay Karaamada iyo Maamuuska Dastuuriga ah ee Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax, maaddaama oo uu ku aflagaadeeyay Tilmaamo iyo Sifooyin Meel ka dhac ah oo ka hor-imanaya qodobka 93-aad (Farqaddiisa 3-aad) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo u dhigan sidan:-

‘Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa leh Hab-maamuuska saddexaad ee Qaranka’. Guddoomiyuhu (UCID) wuxuu ka hor-yimid Qodobka 8-aad (Farqaddiisa 1-aad) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo jideeyay Sinnaanta muwaadiniinta, isla-markaana u dhigan sidan:- Muwaadiniinta Somaliland iyadoon lagu kala saarayn Midabka, Qabiilka, Dhalashada, Luuqada, Lab iyo dhedig, Hantida, Mudnaanta, Afkaarta, IWM, waxay Sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo Waajibaad siman.

Maaddaama oo uu hadal faquuq ah oo wax u dhimanaya Sinnaanta Muwaadiniinta ka jeediyey Warbaahinta, wuxuu sidoo kale ku xad-gudbay Jinsiyadda Muwaadiniinta oo ku tilmaaman Qodobka 4-aad ee Dastuurka oo u dhigan sidan:- Qof kasta oo u dhashay Somaliland, kana isiran Dadkii degganaa dalka Somaliland 26-kii June, 1960-kii iyo ka hor, waxa loo aqoonsanayaa Muwaadin.

Isaga oo Dadka ka soo jeeda Sool ku faquuqay in aanay ahayn Dad Muwaadiniin ah (Second Citizen), wuxuu adeegsaday Weedho liidaya Xubnaha ka soo jeeda Gobollada Sool, Sanaag ee ka midka ah Goleyaasha Dastuuriga ah kuna tilmaamay Dad inala jooga (Isagoo iska dhigaya inuu ku hadlayo Afka beel gaar ah oo ka sarraysa beelaha kale oo Qarannimada gaar u leh oo lala joogo, taasi oo ah farriin uu xilligan u dirayo Cadowga Somaliland, kuna farxad gelinayo). Sidoo kale wuxuu ku gefay Qodobka 2-aad (Farqaddiisa 1-aad) ee Xeerka Jinsiyadda, Xeer.Lr. 09/2002 oo u dhigan sidan:- Waxa Muwaadin Dhalad Somaliland ah Qof kasta oo uu dhalay Aabbe ka isiran Dadkii Degganaa dhulka Somaliland 26 June, 1960-kii ka hor.

Guddoomiyuhu (UCID) wuxuu sidoo kale ku xad-gudbay qodobka 2-aad (Farqaddiisa 1-aad) ee Xeerka Ururrrada iyo Axsaabta siyaasadeed ee Xeer.Lr. 14/2001 oo u dhigan sidan:- Xisbiyada/Ururrradu waa inay u hoggaansamaan Dastuurka, Xeerarka dalka iyo Hannaanka Dimuqraadiyadda, waana inaanu wax u dhimaynin Midnimada dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Nabadgalyada guud.’

Guddoomiyuhu wuxuu ku gefay isla-markaana ka hor-yimid qodobka 18-aad ee Wax ka beddelka Xeerka Ururrada iyo Axsaabta siyaasadeed ee Xeer.Lr. 14/2001 oo u dhigan sidan-Urur/Xisbi siyaasadeed waxa ka mabnuuc ah inay faafiyaan, daabacaan kicin iyo iska hor-imaad Dadweyne, Wiiqaya midnimada Dalka ama waxyeelo u geysanaya Nabadgalyada guud.

Maaddaama oo uu Dadweynaha ku booriyey iska hor-imaad ku salaysan in Dadka reer Sool Xoog lagaga qaaday isla-markaana lagaga haysto deegaannada Coodanle iyo Qori-lugud.

Ugu dambayn, maaddaama oo aanu Mabda’ ahaan aanu jirin qof Sharciga ka sareeya, isla-markaana uu yahay Masuul Qaran Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe wuxuu ku kacay Fal Sharci-darro oo ah ku boorin Dembi gelid sida Waafaqsan Qodobka 320 ee Xeerka Ciqaabka guud oo u dhigan sidan:- Qof kasta oo si Fagaare ah ugu booriya Qof kale inuu galo mid in ka badan oo dambi ah, waxa lagu ciqaabayaa falka ku boorinta oo keliya.

Sidoo kale wuxuu ka hor-yimid qodobka 321 ee Xeerka Ciqaabta guud, iyadoo oo uu Xeerku Dembi ka dhigay ku boorin in Sharciga laga hor-yimaaddo oo u dhigan sidan:- Qof kasta oo si Fagaare ah ugu booriya Dad kale inay khilaafaan sharciga la xidhiidha nidaamka guud ama kiciya Nacayb Dabaqadaha Bulshada dhexdeeda, waxa lagu ciqaabayaa Xadhig lix bilood illaa Shan sano ah.’

Hadalka Guddoomiyuhu jeediyey wuxuu sababi karaa iska hor-imaad dhex mara Ciidammada Qaranka ee Sool ku sugan iyo Dadka deegaannadaas iyo sidoo kale Dadka deegaanka Coodanle, Qori-lugud iyo Buuhoodle.

Guddigu markuu Dersay

Qoraalka La-taliyeyaasha Sharci ee Kor ku Tibaaxan iyo Lifaaqa Guddoomiyaha Golaha ee nuxurkiisu yahay in Tallaabo sharciga Waafaqsan Guddigu ka qaaddo Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo si Cad ugu Xad-gudbay Dastuurka iyo Xeerarka dalka, isagoo ka faa’idaysanaya dhawrsanaanta sida dadban uu Xeerka ururrada iyo Axsaabta siyaasaddu u siiyey ee uu ku yahay Guddoomiyaha Xisbiga.

Markuu Guddigu arkay:- Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada oo awood u siiyeyGuddiga joogtada ah Marka Goluhu fasax yahay inay sii qabtaan dhammaan hawlaha ee aan sugi Karin Kal-fadhiga soo socda.

Markay u Caddaatay:- In Guddoomiyaha Xisbiga UCID ku xad-gudbay dhammaan Qodobbada xagga sare ku Qeexan, wuxuu Guddigu u aqoonsaday Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe inuu yahay Qof aan qaadi Karin Masuuliyad Qaran, khatarna uu ku yahay Amniga iyo Midnimada Ummadda Somaliland.

Sidaasi darteed, wuxuu Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiilladu wuxuu soo saaray Qodobbadan:-

  1. In laga bilaabo Maanta uu yahay Nin aan ixtiraamin, kuna dhaqmin Dastuurka iyo Xeerarka dalka.
  2. Laga bilaabo Maanta inaan loola dhaqmin, loona aqoonsan inuu yahay Guddoomiyaha Xisbiga UCID, wax wada shaqayn ahna la yeelan Golaha Wakiillada, xukuumadda Laamaheeda kala duwan iyo Hay’adaha Caalamka ee innaga caawiya dimuqraadiyadda.
  3. In Guddiga Diwaangelinta ururrrada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranku ka qaaddo Xasaanadda, si looga qaado Tallaabo Sharciga Waafaqsan Faysal Cali Waraabe oo baal-maray Xeerarka kor ku tilmaaman.
  4. In Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranku ku oogo dhammaan dambiyada ka dhashay hadalkii Faysal Cali Waraabe Warbaahinta siiyey..”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here