Waa kuma Jawaar Maxamed, ninka xariggiisa uu sii huriyay rabshadaha Itoobiya?

0
449

Dalka Itoobiya waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay dilka fannaan u dhashay qowmiyadda Oromada oo maalma kahor lagu toogtay caasimadda Addis Ababa.

Dowladda Itoobiya ayaa ciidamo milateri ah soo dhoobtay waddooyinka caasimadda, si ay gacan uga geystaan xakameynta xaaladda, waxaana rabshadaha ka taagan dalkaas ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dad ka badan 50 qof.

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay caasimadda Itoobiya, kuwaas oo ka qeybgalay baroordiiq loo sameeyay Hachalu Hundessa oo heesahiisa ay qeyb weyn ka qaateen kacdoonkii ka dhacay dalka Itoobiya. Dilka fannaanka oo ay da’diisu ahayd 34 sano jir ayaa waxaa ka dhalatay caro baahsan, waxaana ay horseeday in rabshado ay ka dhacaan meela badan oo Itoobiya.

Booliska Itoobiya ayaa sheegay in 35 qof oo uu kamid yahay Jawaar xabsiga loo taxaabay, taas oo sii hurisay rabshadaha ka taagaan caasimadda iyo dowlad deegaanka Oromoda.

Dhammaadka sanadkii 2019-ka, Jawaar Maxamed mar uu la hadlay teleefishinka Al Jazeera waxaa uu u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro siyaasadda Itoobiya, kana fikiraya in uu tartamo doorashada xigta ee la filayo in dalkaas ay ka dhacdo sanadka dambe, inkastoo aysan kala caddeyn xilka uu doonayo in uu u tartamo.

Jawaar oo qaatay dhalashada dalka Mareykanka ayaan la ogeyn in uu iska celiyay iyo inkale, maadaam dastuurka dalka Itoobiya uu dhigayo in qof heysta dhalashada dal ajnabi ah uusan xil ka qaban karin dalkaas.

Haddaba waa kuma Jawaar Maxamed?

Jawaar Maxamed

Jawaar Siraaj Maxamed waxaa uu sanadkii 1986 ku dhashay magaalada Dhumuga ee gobolka Arsi ee dalka Itoobiya. Aabihii waxaa uu ahaa nin Oromo ah oo heysta diinta Islaamka, halka hooyadiina ay aaminsaneyd madhabta qibdiyiinta dalka Itoobiya looga yaqaano Tulama.

Waxaa lagu tilmaama in uu yahay shakhsiga ugu saameynta badan Itoobiyada casriga ee haatan jirta.

Jawar waxaa uu waxbarashadiisa dugsiga hoose kusoo qaatay iskool ay maamulaan madhabta katoliga oo ku yaala magaalada Asella, waxaana sidoo kale waxbarashada dugsiga sare uu kusoo qaatay iskoolka Adama sanadkii 2003, xilligaas oo uu deeq waxbarasho ka helay jaamacad ku taala dalka Singapore. Waxaa uu jaamacaddaas ka qallin jabiyay sanadkii 2005.

Culluunta siyaasadda ayuu markii dambe jaamacadda Stanford ka bartay, oo waxaa uu ka qaatay shahaadada koowaada, waxaana uu ka qallin jabiyay sanadkii 2009, Sidoo kale shahaadada labaad ayuu sanadkii 2013-ka ka qaatay jaamcadda Columbia ee dalka Mareykanka oo uu ka bartay ka shaqeynta iyo sare u qaadidda xuquuqda aadanaha.

Jawaar Maxamed waxaa uu sanadihii dambe fadhigiisu ahaa dalka Mareykanka. Wuxuu door weyn ka qaatay kacdoonkii dalka Itoobiya ka dhacay sanadki 2016-ka. Intii uu jooga Mareykanka waxaa uu asaasay warbaahin lagu magacaabo Oromia Media neywork.

Jawaar oo ay dalka Itoobiya ugu dambeysay sanadkii 2008 kahor inta uusan kusoo laabanin ayaa waxaa magaalada Minneapolis ee dalka mareykanka uu ka hirgeliyay stuudiyo, halkaaas oo warbaahinta OMN iyo baraha bulshada uga hadli jiray “dhibaatooyin” uu sheegay in dowladdii uu hogaaminayay Hailemariam Desalegn ay ku heyso dadka Oromada iyo guud ahaan dalka Itoobiya.

Wuxuu ahaa shakhsigii asaasay OMN oo af-Oromo ku baxa marki dambana af-Amxaari lagu biiriyey.

Waxaa uu baraha bulshada iyo warbaahinta uga dhaqdhaqaaqi jiray xuquuqda dadka Oromoda, isagoona hadba muuqaalo ama farriimo soo dhigi jiray warbaahinta OMN iyo baraha bulshada.

Jawaar akoonada uu ku leeyahay baraha bulshada waxaa ku taxan kumanaan qof oo uu saameyn ku leeyahay.

Kacdoonkii isbadel doonka

.
Jawaar wuxuu ku soo caan baxay khudbadaha iyo bandhigyada uu kaga hadlo siyaasadda dalka Itoobiya, isaga oo weliba qurbajoogta Oromada ee Mareykanka ku nool hormuud u ahaa.

Jawaar Maxammed ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay xubin ka ugu muhiimsan ee aasaasay ururka dhallinyarada Oromoda ee ‘Qeeroo’ oo uu asaasay sanadkii 2016-ka, kuwaas oo gudaha dalka itoobiya ka sameeyay mudaharaadyada sababay inay dowladda hore meesha ka baxdo.

Markii ay rabshadaha ka socdeen dalka Itoobiya, dad badan waxay aad ugu xusuustaan jidgooyooyinki maalmaha socday ee lagu sameeyey jidadka soo gala caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ugu dambeyntiina sababay inuu ra’isal wasaarihi hore ee Itoobiya Haile Mariam Desalegn uu iscasilo xilkana uu la wareego Dr Abiy Axmed oo qowmiyadda Oromada u dhashay.

Waxaa uu Jawaar dib ugu soo laabtay dalka Itoobiya sanadkii 2018-ka, xilligaas oo uu isbadelka ka hirgalay Itoobiya. Dad badan waxay Jawaar ku eedeeyaan in uu qeyb ka yahay hurinta colaadaha qowmiyadaha dalka Itoobiya ka dhex dhaca isaga oo lagu sheego inuu farriimo isku dhacyo abuuri karo baraha bulshada ku tabiyo, haseyeeshee waa uu beeniyay eedyamhaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here