Xukuumada JSL Oo Aan Wali Ka Hadal Xaalada Coladeed Ee Ka Taagan Bariga Saaxil Iyo Beelaha Colaadu Dhex-martay Oo Wali Is Horfadhiya.

0
362

Deeganka beeyo macaan oo ka tirsan degmada xagal ee gobalka saaxil oo maalmihii u danbeeyay ay taagnayd xaalad coladeed oo u dhaxaysa beelo walaalo ah oo wada deegankaas, dagaalkaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhanba ah.

Ciidamo ka tirsan booliska degmada Berbera oo gaadhay deeganka iyo madax-dhaqameed ayaa kala dhex galay dagaalka u dhaxeeyay beelaha walaalaha ah ee dagaalku ku dhex-maray deeganka taas oo sababtay inuu joogsamo isla markaana la kala qaaday ciidan beeledyadii is hor fadhiyay dhawaaciina lagu dawaynayo cisbitaalka guud ee magaalada berbera.

Xukuumada JSL ayaan wax war ah kasoo saarin xaalada Coladeed ee ka taagan deeganka beeyo macaan taas wali laga dareemayo uruursiga dhaaq-dhaqaaq ciidan iyo huba labada dhinac ee dagaalku dhex-maray.

Suldaanka guud ee beelaha Habar-jeclo suldaan cabdilaahi suldaan cali muuse iyo xildhibaano ka tirsan laba qal ee baarlamaanka jsl oo kaso jeeda deeganada bariga gobalka saaxil iyo gobalka saraar ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dagaalku ku dhex-maray deeganka beeyo macaan ee ka tirsan degmada xagal ee gobalka saaxil, taas oo xukuumada jsl iyo ciidamada qarankaba ugu baaqen inay ka hortagaan xaalad dagaal oo laga baqaayo inay mar kale ka qaraxdo deegankaas.

Ugu danbayn, madax-dhaqameedka iyo xildhibaanada kaso jeedagobalada gobalada bariga jsl ayaa wada dadaalo ay ku joojinayaan colaada ka taagan deeganka beeyo macaan oo u dhaxaysa laba beelod oo walaalo ah isku deegana ah taas oo shirar uga socdaan gobalada saaxil ,togdheer, saraar iyo degmada ceel-afwayn ee gobalka sanaag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here