Shiinaha oo UK uga digay faragelinta ay ku hayso arrimaha Hong Kong

0
432

Shiinaha ayaa UK uga digay iney soo faragashato arrimaha Hong Kong gaar ahaanna sharciga ammaanka qaranka ee ay Beijing dooneyso iney ka hirgeliso Hong Kong.

Danjire Liu Xiaoming wuxuu sheegay baaqa ka soo yeeray UK ee ah iney dad ka badan 3 malyan oo Hong Kong ka soo jeeda ay sharciga UK siineyso ay tahay ‘Faragelin guud’.

Xoghayaha arrimaha dibadda Britain Dominic Raab ayaa eeddaasi ku gacan seydhay.

Kooxaha ka soo horjeeda sharcigan cusub ayaa sheegay sharcigan inuu meesha ka saarayo xorriyadda iyo xuquuqdi ismaamul ee ay Hong kong lahayd.

Mar sii horreysayna Joshua Wmog oo ka mid ah xubnaha ugu cad cad ee u dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadda Hong Kong wuxuu caalamka uu u diray codsi uu ku dalbanayo in qaddiyadda Hong Kong la garab istaago.

Danjire Liu wuxuu sheegay inuu rajeynayo UK iney ka laaban doonto mowqifka ay sharciga muwaaddinimada ku siineyso shacab badan oo Hong Kong ku nool.

“Dowladda UK waxay gaartay qaraar aan xilkasnimo ahayn oo ay arrimaha Hong Kong ku soo faragelineyso” ayuu yiri mar uu ka hadlay shir jaraaid oo muuqaal dhinaca khadka interneetka ah oo uu qabtay.

Danjiraha wuxuu sheegay iney tallaabbada rasmiga ah ee ay Beijing ugu talagashay iney uga falceliso arrintan la ogaan doono marki ay faahfaahinta ogaato.

Mr Liu sida oo kale wuxuu UK uu u diray digniin ku saabsan go’aannada liddiga ku ah shirkadda weyn ee dhinaca teknooloojiyadda ee laga leeyahay dalka Shinaha ee Huawei iney horumariso adeeggeeda interneetka ee 5G, taasoo farriin aad u xun u direyso shariikadaha kale uu Shiinaha leeyahay.

UK ayaa waxay ku doodeysaa inuu Shiinaha baalmaray heshiiski dhaqangalay 1997-kii, heshiiskaasi oo Hong Kong u oggolaanayey muddo 50 sana ah iney xuriiyado gaar ah hesho inta si kama dambeys ah Hong Kong gacanta Beijing looga celinayo.

Xoghayaha arrimaha dibadda UK Dominic Raab ayaa ku adkeysanayo qorshaha Britain ay malaayiinta qof dhalashada ku siineyso iney mataleyn faragelin arrimaha gudaha Shiinaha lagu sameynayo.

.
 

“Waxaan u baahannahay xiriir wanaagsan inaan la yeelanno Shiinaha…balse arrinta taagan ayaa waxaa ka mid ah kalsoonisa, iyo sida looga kalsoonaan karo Shiinaha inuu ka tallaabsanayo waajibaadka caalamiga iyo mas’uuliyadaha caalamiga ee saaran” ayuu yiri.

“Waa taa farriinta aan gudbineyno annaga iyo waddamada kale ee aan xulafada nahay, iyo saaxibba badan oo aan caalamka ku leennahay”.

Mar sii horreysayna, afhayeenka ra’isal wasaare Britain Boris Johnson wuxuu Shiinaha ugu yeeray inuu Shiinaha soo faragelin haddii ay dadka Hong Kong ka soo jeeda ay rabto iney UK yimaaddaan.

Wuxu intaa ku daray: “wakhti xaadirkan waxaan qiimeyn ku sameyneyneynaa sharciga amniga qaranka iyo mabaadiida uu xambaarsan yahay ee la xidhiidha awood kula wareegidda Hong Kong.”

Isniintina Facebook iyo WhatsApp waxay sheegeen iney “hakiyeen” codsiyada iyo farriimaha la xidhiidha dowladda Hong Kong iyo awood ku maquuninta ee salka ku haya sharciga ammaanka qaranka ay Beiging soo waddo.

Qiimeynta sharcigaasi lagu sameeynayana “waxaa ka mid ah xadgudbyada aan tooska ahayn ee xuquuqda aadanaha oo loo kuur galo iyo wadatashiyo lala yeesho khubarada arrimaha xuquuqda aadanaha”.

Tanya Chan waxay sheegtay "taariikhdi ugu xumeyd ee Hong Kong soo wajahday"
 

Muxuu yahay sharcigan cusub?

Xukumadda Shiinaha ayaa diyaarisay sharci muran dhaliyey oo ay dooneyso iney Hong Kong ka hirgeliso, uuna meel mariyo baarlamaanka Shiinaha oo uu maanta u billaabmayo shirweynihiisi siyaasadeed ee ugu weynaa sanadkan.

Dastuur hoosaadka Hong Kong wuxuu dhigayaa iney Hong Kong awood u leedahay iney soo saarto shuruucda amniga lagu ilaalinayo loogana hortagayo “Khiyaamo qaran, gooni iisu taag iyo kacdoon”.

Hase yeeshee, sharci noocaasi weli kama hirgelin Hong Kong balse Shiinaha ayaa hadda gadaal ka riixaya sidi sharci noocaasi loo meel marin lahaa.

Golaha Koongareska qaranka ee Shiinaha wuxuu inta badan meel mariyaa go’aannada ka soo baxa hogaanka sare ee xisbiga hanti wadaagga Shiinaha.

Hong Kong “waa ismaamul gooni ah” oo hoos taga Shiinaha, waxaana loo arkaa “hal dal oo haddana laba nidaam ku dhaqamaya” tani iyo marki ay xorriyadda Hong Kong dib u soo celisay Britain 1997-kii.

Sanadki hore Hog Kong waxaa ka dhacay mudaharaadyo rabshada wata oo ay shacabka mudaharaadaya ku dalbanayaan isbeddello sal ballaadhan.

Dadka u ololeeya dimuqraadiyadda ayaa cabsi weyn ka muujiyey sharcigan uu Shiinaha gadaal ka riixayo ay ku sheegeen “dhammaadkii Hong kong”, meeshana ay ka baxayso madaxbannaaidi gobolka iyo xorrriyadda.

Hoggaanka sare ee Shiinahana waxay sheegeen iney aaminsan yihiin sharciga ay soo saarayaan inuu noqon doono mid loga hortago mudaharaadyada muddada dheer ka socdo Hong Kong.

Beijing maxay damacsan tahay iney sameyso?

Sida uu dhinaca sharciga aasaasiga ee ku saleysan dastuur hoosaadka Hong Kong loo baahan yahay xukumadda Hong Kong iney meel mariso sharcigan amniga qaranka ku saabsan.

Hase yeeshee, 2003-dii ayey dad ka badan 500,000 isku dayeen iney mudaharaadyo isugu soo baxaan balse isku dayadaasi ay fashilmeen.

Hong Kong waxaa ka jirta dimuqraadiyad iyo xorriyadda hadalka oo kaduwan dalweynaha Shiinaha intiisa kale.

Mucaaradku halista jirta maxay ku sheegeen?

Dad badan oo ka mid ah dadka u ololeeya dimuqraadiyadda ee hormuudka ka aha Hong Kong ayaa welwel iyo cabsi aad u weyn ka muujiyey iyaga oo sharciga amniga uu shiinaha soo wado ku tilmaamay gabagabadi Hong Kong.

Dennis Kwok wuxuu sheegay “haddii ay arrintan sideeda u dhacdo waxaa si rasmi ah meesha uga baxayo nidaamki ahaa ‘hal dal iyo laba nidaam’.

Jshua Wong wuxuu bartiisa tweetarka uu ku qoray tallaabbadan ay Beijing qaadeyso iney tahay “mid lagu aamusinayo shacabaka Hong Kong’ wuxuuna noqonayaa mid shacabka xoog iyo cabsi iney ku aamusaan lagu doonayo.

Shiinaha muxuu sidan u sameeynayaa?

Ila wareedyo ku sugan golaha koongaraska shiinaha ee NPC wuxuu sheegay Beijing iney intan ka badan sugeynin iney sharcigaasi Hong Kong meel mariso, iyada oo weli taagan yihiin mudaharaadyada rabshadaha wata iyo dhaqdhaqaaqyada dowladda looga soo horjeedo.

Ila wareedyo u warramay wargeyska South China Post wuxuu yiri “Mar dambe uma oggolaan doonno ficillada sida sumcad-xumida calanka dalka Shiinaha loo geysto ama dhaawaca sumcadda dalka looga geysanaya Hong Kong”.

Zhang Yesui
 

Beijing waxay cabsi aad u weyn ka qabtaa doorashada golaha sharci dejinta lagu dooranaya ee ka dhaceyso Hong Kong. Iyada oo ay doorashadi dowladaha hoose oo kal hore dhacday ay ku guuleysteen kooxa dimuqraadiyadda u ololeeya kaddibna doorashada lagu celiyey.

Zhang Yesui wuxuu sheegay talalabbada ay Beijing waddo inuu sii “hagaajinayo”, halka dal iyo labada nidaam.

 

Xisbiga DAB ee ay taageerto Beijing “si buuxda ayuu u taageeray” qorshahaasi, iyaga oo sheegay inuu sharcigan “uu jawaab u noqon doono xaaladda siyaasadeed ee sanadaha cakirneyd ee Hong Kong.

.
 

Waa sidee xaaladda sharci ee Hong Kong?

Hong Kong waxaa 150 sana gacanta ku haysay dalka Britain, ilaa iyo 1997-kii.

Dowladaha Shiinaha iyo Britain ayaa saxiixay heshiis looga magac daray, heshiiska wada jirka ee Sino-British, iyaga oo ku heshiiyey iney Hong Kong ay noqoto mid leh madax bannaani aad u sarreysa marka laga reeba arrimaha dibadda iyo gaashaandhigga”, muddo 50 sana ah.

Wuxuuna heshiiskaasi dhaqan galkiisu soconayaa ilaa iyo 2047.

Heshiiskaasi iyada oo laga duulayo Hong Kong waxay hanatay nidaam sharci, xuduud iyo xuquuqo ay ka mid yihiin gole madax bannaan iyo xorriyadda hadalka uu yahay mid ilaashan.

Balse Beijing wuxuu heshiiskaasi siinayaa awoodda diidmada qayaxan iyo iney wax ka beddesho nidaamka siyaasadeed oo ay ka mid yihiin iney hoggaamiso doorashooyinka Hong Kong ka dhaca.

Hong Kong 2019-kii, waxaa ka billaawday mudaharaadyo, inkasta oo ay yaraadeen wixi ka dambeeyey marka uu dillaacay cudurka safmarka ee coronavirus.

.

Balse weli xiisaddu wey taagan tahay, sida ka muuqatay jahwareerka Isniinti ka dhacday golaha sharci-dejinta ee Hong Kong, qaar ka mid ah xubnaha sharci dejinta ee halkaasi rabshadaha ka waday golaha laga saaray golaha xilli ay socotay heesta qaran ee Shiinaha xilli ay socotay heesta astaanta u ah dal weynaha Shiinaha.

.

Khubarada u dhuun daloola siyaasadda Shiinaha ayaa cabsi ka muujiyey sharcigan cusub in lagu ciqaabi doono cid kasta oo xukumadda Beijing wax ka sheegto, si la mid ah waxa ka dhaca dal weyaha Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here