Dumarka qaniga ah: Sidey dhaqaalaha ku heleen haween dunida ugu taajirsan?

0
367

Markii ninka dunida ugu taajirsan xaskiisa ay go’aansatay inay kala tagaan sanad kahor, waxay u ahayd guul dhaqaale oo ay gaartay, waxayna taasi sii kordhisay tirada haweenka ugu hantida badan caalamka.

MacKenzie Bezos oo ah xaaskii hore ee Bezos oo ah milkiilaha shirkadda Amazon ayaa la siiyay 4 boqolkiiba hantida ninkii ay wada joogeen.

Haweeneydan ayaa markii ay dalbatay furriinka waxay heshay hanti dhan 35.6bn bilyan oo doollaar, waxayna taas keentay in ay kamid noqoto haweenka adduunka ugu taajirsan iyadoo aanan wax dhib ah u marin helidda hantidaas.

Waxay sidoo kale noqotay qofka 24aad ee adduunka ugu taajirsan.

Haddaba halkan waxaan idin kugu soo gudbineynaa qaar kamid ah haweenka ugu taajirsan caalamka.

1) Françoise Bettencourt-Meyers

Haweeneydan ayaa hantideeda lagu sheegay 49.3 bilyan oo doollar, waana qofka 15aad ee adduunka ugu taajirsan, sida uu kusoo warramay wargeyska ka faallooda dadka maalqabeennada caalamka ee the Forbes.

Haweeneydan oo u dhalatay dalka Faransiiska ayaa dhaxal ahaan u heshay shirkad soo saarta waxyaabaha la isku qurxiyo, waxaana iyada iyo qoyskeeda ay leeyihiin saami dhan 33 boqokiiba shirkadaas.

Haweeneydan 65 sano jirka ah ayaa hantidan ka dhaxashay hooyadeed Liliane Bettencourt oo dhimatay sanadkii 2017, waxaana in muddo ah haweeneydan iyo hooyadeed u dhaxeeyay muran dhanka hantida.

Ms Bettencourt-Meyers ayaa dacwad ka dhan ah hooyadeed u gudbisay maxkamad ku taala dalka Faransiiska, inkastoo markii dambe ay ka heshiiyeen.

Waa haweeney wax baratay, buugaag badanna qortay, waxaana kaalinta koowaad ay ka gashay haweenka ugu hantida badan caalamka.

2) Alice Walton

Waxaa hantideeda lagu qiyaasay 44 bilyan oo doollar, waana qofka 17aad ee ugu hantida badan caalamka.

Haweeneydan 69 sano jirka ayaa ah gabadha keliya ee uu dhalay asaasaha dukaanka caanka ah ee Walmart ee dalka Mareykanka.

Haseyeeshee si ka duwan walaaladeed, waxaa ay dhinac uga baxday shirkadda qoyskooda, waxaana ay diiradda saartay farshaxanka oo waxaa ay markii dambe noqotay guddoomiyaha shirkadda Crystal Bridges Museum.

3) MacKenzie Bezos

Waxay dad badan ku tilmaamaan inay tahay haweeneyda ka macaashtay kala taga iyada iyo ninkeeda. Waxay heysataa hanti ka badan 35.6 bilyan oo doollar, waxayna lacagtaas ka heshay xaqqii ay ku lahayd shirkadda badeecadaha intarnetka ku iibisa ee Amazon oo uu leeyahay seygeeda.

35.6 bilyan waa lacagta keliya ee ay ka heshay asaasaha shirkadda Amazon oo ay kala tageen, waxaase la qiyaasayaa in lacag intaas ka badan ay leedahay.

Haweeneydan ayaa afar caruur ah u heysa madaxa shirkadda Amazon, waxayna aqal galeen sanadkii 1993, xilligaas oo ay isku meel ka shaqeynayeen. MacKenzie Bezos waxaa ay markii hore ka shaqo bilawday isla shirkadda Amazon oo ay lataliye ka ahayd.

4) Jacqueline Mars

Waxaa la sheegaa inay tahay haweeneyda ugu da’da weyn dumarka maalqabaneeda, waxana ay heysataa lacag dhan 23.9 bilyan oo doollar. Waa qofka 33aad ee ugu taajirsan caalamka. Waxay leedahay shirkadda ugu weyn adduunka ee sameysa macmacaanka iyo shukulaatada oo uu horay u asaasay awoowgeeda sanadkii 1911.

Ku dhawaad 20 sano waxay u shaqeyneysay qoyskooda, waxayna shirkadaas ka tirsaneyd tan iyo sanadkii 2016-ka. Sidoo kale waxaa ay leedahay shirkad kale oo soo saarta raashiinka la siiyo eyada dadka ay xanaaneystaan.

5) Yan Huiyan oo aan wax sawir ah laga heynin waxaa ay u dhalatay dalka Shinaha, hantideedan waxaa lagu qiyaasay 22.1 bilyan oo doollar. Sidoo kale waa haweynda 42aad ee ugu taajirsan adduunka.

37 jirkan ayaa leh saamiga ugu badan ee shirkadda guryaha dhista ee Country Garden Holdings, taas oo qeyb weyn ka qaadatay horumarka iyo dhismaha dalka Shiinaha.

Sida ku xusan booga shirkadda, waxaa ay ku andacoodaan inay yihiin shirkadda saddexaad ee ugu weyn caalamka ee dhanka dhismaha.

Yan Huiyan, oo ka qallin jabisay jaamacadda Ohio State ee dalka Mareykanka ayaa dhaxal ahaan u heshay 57 boqolkiiba hantideeda, hantidaas oo ay ka dhaxashay aabaheed.

6) Susanne Klatten

Waxay u dhalatay dalka Jarmalka, hantideedana waa 21 bilyan oo doollar. Waa haweeneyda 46aad ee ugu taajirsan caalamka.

Haweeneydan oo ah tan labaad ee ugu hantida badan dumarka qaaradda Yurub ayaa da’deeda lagu qiyaasay 56 sano jor. Waxaa ay ka ganacsataa baabuurta iyo dawooyinka.

Boqolkiiba 50 hantideeda waxaa ay ka dhaxashay shirkadda Kiimikada ee Atlanta AG, kadib markii ay dhinteen waalidiintooda. Sidoo kale iyada iyo walaalkeed waxaa ay dhaxleen boqolkiiba 50 shirkadda baabuurta soo saarta ee BMW.

7) Laurene Powell JobsFrancoise

Lauren waxaa ay heysataa hanti dhan 18.6 bilyan oo doolar. Waa haweyneyda uu ka dhintay asaasaha shirkadda tiknolojiyadda ee Apple, Steve Jobs. Haweeneydan ayaa iyada iyo qoyskeeda waxaa ay dhaxal ahaan u heleen lacag dhan 20 bilyan oo doollar.

Tan iyo markii uu dhintay seygeeda, waxaa ay u wareegtay sidii ay u maalgashan lahayd shirkado ay kamid yihiin kuwa dhanka warbaahinta.

Waxay sidoo kale maalgashi ku sameysay goobo lagu barto tiknolojiyadda iyo kuwa kale oo dhanka waxbarashada ka shaqeeya. Sanadkii 2018-ka, waxaa ay iibsatay guri qiimihiisu lagu qiyaasay ku dhawaad 17 milyan oo doollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here