‘Sababta aan u isticmaalay dawooyinka la isku cadeeyo’

0
563

“Waxaan sameyn jiray markaan musqusha qubeyska galo aad baan isku dhaqi jiray si aan madowga jirkayga u bixiyo.”

Karishma Leckraz waxa ay iney isticmaasho dawada la isku cadeeyo bilowday iyadoo 13 sano jir kadib markii loo sheegay iney aad u qurux-badnaan lahayd haddii ay dawadaasi isticmaasho.

“Waxaa la ii sheegay inaan leeyahay jir aad qurux badan balse ay ceeb-tahay inaan aad u madoobahay”, ayay Karishma u sheegtay Radio 1 Newsbeat”.

Waalidiinteedaa ayaa u soo bandhigay dawooyinka la isku cadeeyo oo waxa ay doonayeen iney noqoto qof midab furan.

“Dhaqan-keena ayay ka mid noqtay in haddii aad tahay qof midab furan, aad qurux badan tahay,” ayay tiri Kirishma.

Kirishma waxay ka hadleysaa Konfurta aasiya, halkaas oo qofka midabkiisu dhalaalaya loo yaqaano qof dadka kale ka sarreeya.

Karishma oo aan Make up u maresanayn

 

‘Muddo badan meel qorax ah ha joogin’

Sida Karishma, ayaa Sabrina Manku qoyskeeda u sheegeen iney aad u madow yahay.

Markii aan yaraa, waxaa nagula dhihi jiray, qoraxda muddo badan ha joogina si aanan u madoobaanin darteed”

Sabriina 10 sano jir ayay ahayd markii ugu horreysay ee loo sheegay iney isticmaasho kareemyada la isku nuuriyo, waxayna istcimaaleysay muddo sideed sannadood ah.

Sabrina

 

Dadka gabdhaha ku dhiira geliya iney isticmaalaan dawada la iksu cadeeyo, ma ahan oo kaliya dadka qoyskooda ka tirasan.

Anusha, oo aan dooneyn iney sheegto magaceeda oo saddexan ayaa sheegysa in midabkeeda ay khalad ka fahanto waxay bilaabatay xilliyadii iskuulka.

“Waxaan bilaabay inaan isbar-bardhig ku sameeyo sida aan u ekahay iyo dadka kale ee uu midabkooda furan yahay.”

Hablaha inta badan waa lagu takooraa midabkooda oo Kirishma xitaa markii ay yarayd waxay diidi jirta iney sawir la gasho gabdha saaxibaded ah sababo la xiriira midabkeeda oo madow.

 

‘Waxaan sameeyey waxa ay dadka caanka ah sameeyan’

Sabrina ayaa sheegtay in Aflaanta Bollywood ay ku dhiiragelisay in ay qaadato go’aankan ay maqaarkeda ku badelayso.

“Waxaan ku dayan jiray dadka caanka ah waana ku taxanaa si aan u sameeyo waxwalba oo ay sameeyaan”

Jilayaasha Aflaanta Bollywood ayaa marar badan lagu dhaleecayay xayeysiinta daawooyinka la isku cadeeyo.

“Waxay ku dareensiinaysaa inaad leedahay maqaar madow xayeysiintana waxay ku dhahaysaa dawooyinkan isbadel ayey kuugu keenayaan.”

Sabrina

 

“Waxaan ogaaday in filimada ay badanaa tixgeliyaan dadka maqaarkooda uu cadyahay. Aniga waxaan rabaa inaan u ekaado dadka aan telefishinka ka arko” Ayey Sabrina ku dartay.

“Weli waan isticmaala daawooyinka la isku cadeeyo”

Karishma iyo Sabrina hadda ma isticmaalan dawooyinkan maxaa yeelay waxay arkeen saamaynta ay maqaarkooda ku yeelatay balse sheekada Anusha wey ka duwantahay.

“Maahan qof walba oo isticmaalo dawooyinkan inay gabi ahaanba badelaayan maqaarkooda, aniga ahaan jirka Ayaan ku nuuriya marka uu mugdi iga noqdo”

Anusha waxay hadda wajiga marsataa waxyaabo wajigeeda nuurinaya ama qurxinayo.

ANusha

 

Balse waxay qiratay haddii aysan bilaabi lahayn dawooyinkan iyada oo yar in aanay hadda isticmaali lahayn.

Anusha waxay sheegtay inay si joogta ah isaga baarto waxyaabaha ay iibsanayso si ay u ogaato inuu maqaarkeeda u wanaagsanyahay iyo in kale.

Kirishma waxay sheegeysaa in sheekooyinka midabka iyo isticmaalka dawooyinka la isku cadeeyso ay sannaddadii dambe isbadleen oo haatan dadku sidii hore ahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here