Dalkayga Yaa Umaqan!

0
666
Dalkayga Soomaliland isaga oo la daala dhacaya shaqo la,aan dhalinyarada ah iyo dhibaatoyin kale ayaa waxaa soo baxday arin kale oo wixiiba ka daran .
 
Waxaa shaaracyada waawayn ee magalooyinka wadanka waregaya tubako bilaash ah oo dadka la doonayo inay qabitimaan isla markaana adoon unoqdaan balwada tubaakadaas , tubaakadan ayaa waxaa la shegay inay tahay mid halis ah oo waliba dhakhso u sababi karta cudurka dilaaga ah ee kansarka , dalku wuxuu leeyahay dawlad iyadu ka masuul ah wixii shacabkeeda usoo gudba. wasiika ganacsiga soomaliland oo maanta la waraystay ayaa sheegay inay tahay mid lamida tubaakoyinka wadanka yaala isla markaana la isla wada ogyahay soo gudbinta iyo soo daynta tubaakadan halista badan . dawlada ma waxaan udoortay inay aniga uun iga adkaato oo maalinka an hadlo sabada jeelka idhigto mise inay nolol waxbarasho iyo nabad dalkayga ka yagleesho oo calamka ila tartansiiso mise tartanka ayay ku jirtaa in tubaakada gaaladu isticmaasho laygu soo fasaxo haday sidaa tahay berina waxaynu sugnaa Baarar waawayn oo magaloyinka laynooga furo ilay waatan tubaakadiiba timiye . maxaa dhalinyaradu galabsatay ee marna loo curyaaminayaa aqoontoda marna shaqo la,aan loo dhigayaa marna loogu soo fasaxayaa tubaako oo waliba bilaash loogu barayaa si ay u qabatimaan .
 
Dadka iyo dalka hadii rajo laga leeyahay waxaan ku talinayaa madaxdaydaay Allan Idinku dhaarshee Wadanka ka qabta tubakadas iyo wixii kale ee lamid ahba
 
Shaybe Cumar Cismaan
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here