“Somaliland Waa Dal Xor Ah Oo Cidna Danihiisa Aan U Daba Fadhiisaneyn” Wasiir Faratoon

0
304

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon ayaa markale si adag uga hadlay diidmada ay kala hor-yimaadeen dowladdaha Soomaaliya iyo Shiinaha ee ku aadan xiriirka cusub ee Taiwan.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dal madax-banaan oo cid kale u dabo fadhiisaneyn danihiisa siyaasadeed, isla markaana si xor ah xiriiro diblumaasiyadeed ula sameysan karto wadamada caalamka.

Somaliland oo ku dooda inay ka go’day dowladda Soomaaliya, ayaa weli kusii dhagan madax-banaanida ay ku doodo in ka badan 29-sanno, wallow aysan u helin aqoonsi caalami ah.

Wasiir Faratoon ayaa is hortaaga Shiinaha iyo Soomaaliya ee xiriirkaasi ku macneeyay ‘wax aan u oolin’, maadama ay qeyb ka tahay dadaalada ay Somaliland ku baadi-goobeyso ictiraafka.

Ad by Valueimpression

Faratoon ayaa carabka ku adkeeyay in Somaliland ay si xor ah xiriir iyo heshiisyo ula gali karto dal kasta oo ay ka dhex aragto danteeda, isla markaana guul uga soo hoyn kara dadaalada ay ku raadineyso aqoonsiga.

Xiriirka Taiwan iyo Somaliland ayaa dhaliyay hadal hayn badan, iyada oo meel adag iska taageen Shiinaha iyo Soomaaliya oo iyagu aaminsan inay tahay xad-gudub diblumaasiyadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here