Amnesty International Oo Sheegtay In Daacish Ay Weli Baacsanayaan Carruurta Qowmiyadda Yazidi-ga

0
356

Amnesty International ayaa sheegtay in carruurta qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Yazidi-ga ee ka badbaaday xabsigii ay u gaysan jireen ururka labaxay Dowladda Islaamiga ee gudaha waddanka Ciraaq ay soo gaartay dhibaato ba’an oo maskaxeed iyo mid jireedba.

Carruur badan oo Yazidi-yiin ah ayaa la dilay markii ururka labaxay Dowladda Islaamiga ah ay la wareegeen dhulkooda 2014.

Ku dhawaad 2,000 oo canug oo la ogyahay inay badbaadeen ayaanan helin daryeelkii ay u baahnaayeen.

Amnesty ayaa sheegtay in carruurtaasi la dayacay ayna si weyn ugu baahan yihiin taageero muddo dheer ah.

Markii ururka Dowladda Islaamiga ah ay qabsadeen bartamaha dhulkii awoowgood ee waqooyiga Ciraaq, Yazidi-yiinta ayaa waxa ay u qaxeen Buurta Sinjar. Dad badan ayaa la dilay ilaa iyoi 7,000 oo haween iyo gabdho yaryar ah ayaa la qabsaday lana adoonsaday. Intooda badan waa la kufsaday.

Qaar ka mid ah wiilasha ayaa waxa dagaalka looga jaray lugaha, halka qaar ka mid ah gabdhaha la kufsadayna ay suuragal tahay in aanay weligood carruur dhalin. Amnesty ayaa waxa ay ku baaqaysaa in haweenka Yazidi-ga ee la soo adoonsaday ee haysta carruurta dagaalyahannada IS in dib u dejin loo sameeyo iyaga iyo carruurtooda.

Wareysiyo tobannaan gaaraya oo ay hay’addu ka qaadday waqooyiga Ciraaq oo ay ku salaysay warbixinta ayaa waxaa ay tilmaamayaan in carruurta soo badbaaday ay la daalaa dahcayaan “dhaawacyo aanan ka harayn o oculus,” iyo sidoo kale qulub soo gaaray.

Waxbarashada ayaa ah mid aanan la heli karinba xeryaha ay ku nool yihiin dadka soo barakacay halkaas oo tobannaan kun oo qof oo Yazidi ah ay weli ku jiraan.

Haweenka Yazidi-ga ee lagu qasbay inay guursadaan dagaalyahannada Daacish ayaa waxa ay la daalaa dhacayaan dhaawaca maskaxiyan soo gaaray.

“Waxaan doonayaa inaan bulshadeyda u sheego iyo caalamka oo dhan, fadlan na aqbala innaga iyo carruurteenna… Ma doonayn inaan dadkaas carruur u dhalo, waxaa la igu qasbay inaan wiil dhalo,” ayey Amnesty u sheegtay Janan oo 22-jir ah.

Haweenka Yazidi-ga ayaa waxaa laga reebtay carruurtooda markii ay ka soo cararayeen barta ay ku xoogganayeen Daacish ee Suuriya.

“Waxaynu dhamaantayo ka fakaraynay inaynu isdilno, ama aynu iskudaynaba,” ayey tiri Hanan oo ah 24-jir Yazidi ah taas oo gabadheeda la qaatay.

Amnesty ayaa sheegtay in hooyooyinka ay qasab tahay inay si buuxdo carruurtooda ula midoobaan.

“Haweenkaas waa la soo adoonsaday, la soo jirdilay lagulana kacay tacaddiyo galmo. Marka waa in aanay ciqaab kale wajihin,” ayuu yiri Matt Wells, kuxigeenka agaasimaha Amnesty ee kooxda ka jawaabta dhibaatooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here