Iran Oo Weerartay Wax Loo Ekeysiiyay Markab Dagaal Oo Uu Leeyahay Mareykanka

0
359

ACiidamada ilalaada kacaanka Iraan ayaa madaafiic ku weeraray wax loo ekeysiiyay markabka qaada diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka.

Falkan ayaa ka dhacay marin biyoodka Xurmuus oo Iran ay horay ugu hanjabtay in ay xiri doonta.

Weerarkan oo u muuqday dhoolatus militari ayay dowladda Iran ugu magacdartay “Nabi Maxamed”.

Warbaahinta Iran ayaa baahiyay muuqaallo muujinaya ciidamada Iran oo gantaalo ka tuuraya diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah iyo madaafiicda goobta.

The Iranian military fires a missile targeting the replica

Balse ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in ay ka warheleen madaafiicda ay Iran riday, taas oo keentay in heegan la geliyo ciidamada Mareykanka ee jooga saldhigyada bariga dhexe.

Wuxuu u mquuday mid lagu cabsi gelinayo ciidamada Mareykanka ee inta badan adeegsada marinka Xurmuus.

“Ciidamada badda ee Mareykanka waxay sameyeen dhoolatus is difaacid ah, waxaana ka wada qeybgalay saaxiibadeen, taas oo sare u qaadeysa ammaanka maraakiibta mara badda, halka Iran ay sameneyso dhoolatus duulaan ah oo ay isku dayeeso in ay nagu cabsi geliso,” ayuu yiri Rebecca Rebarich oo ah afhayeenka ciidmada badda Mareykanka ee ku sugan Baxrayn.

Wuxuu intaa ku daray in waxa Iran ay qaaday ay tahay “mid mas’uuliyad darro ah oo aanan laga fiirsanin”.

Sidoo kale, Wasaradada gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegtay in ay heegan gelisay ciiamadeeda ku sugan saldhigyada ay ku leedahay Imaraatka iyo Qatar

Arrinkan ayaa dhacay xilli ay xiisad u dhaxeyso Mareykanka iyo Iran, waxaana maalma kahor xukuumadda Tehran ay diyaaradaha mareykanka ku eedeysay handadaad lagu sameeyay diyaaradaha xamuulka Iran ee taga dalka Suuriya.

A missile is fired from land
Iranian soldiers jump on the mock carrier

Ilaa iyo hadda lama sheegin waxa sababay arrinkan oo u muuqda mid lagu cabsi gelinayo ciidamada Mareykanka.

Markabkan oo loo ekeysiiyay kan maraakiibta iyo diyaaradaha xambaara ee Mareykanka ee inta badan kormeera marinka Xurmuus, waxaana ka muuqday diyaaradaha kuwa dagaalka oo dhinacyada ka saaran.

Marinkaas ayaa udub dhexaad u ah inta badan maraakiibta shidaalka ee caalamka oo mara halkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here