Maxaa Horseeday In laga Adkaado Xasan Cali Kheyre?

0
511

Tan iyo markii Baarlamaanka Soomaaliya ay codka kalsoonida kala laabteen R/wasaare Xassan Cali Khayre iyo Xukuumadiisa Sebtidii, waxaa  iska soo daba dhacayey baaqyo ka imaanayey dhinacyo kala duwan oo dhaliilaya habkii loo maray kalsooni kala noqoshada Xukuumadda, waxaanna ay dhinacydaasi ku tilmaamayaan sidii ay wax u  dhaceen in ay ahayd hannaan baal-marsan datuurka iyo xeer-hoosaadka Baarlamaanka. 

Dowladda Maraykanka, Xafiiska QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, iyo Midowga Yurub ayaa ka mid ah dhinacyada ka falceliyey kalsooni kala noqoshada RW-ha, waxaanna dhinacyadaasi ay walaac ka muujiyeen suurtagalnimada fashil ku yimaada heshiiskii dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadu  ay ku gaareen Dhuusamareeb. 

Qoraal uu bogiisa Twitter-ka ku soo qoray Mahdi Guuleed oo si KMG ah u haya xilka RW-ha ayuu  kaga dalbaday dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya in ay ixtiraamaan go’aanka Baarlamaanka, maadaama Soomaaliya ay tahay waddan madax-bannaan oo ka tirsan  Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa [UN]. 

Midowga Yurub ayaa mar kale walaac ka muujiyey kala dirista Xukuumadda, waxaanna hadalkani uu ku soo beegmay xilli ay kala dagtay xiisadii ka dhalatay kalsooni kala noqoshada RW-ha, iyada oo Madaxwaynaha laga sugayo maalmaha soo socda inuu magacaabo shaqsigii qaban lahaa xilka Ra’iisul Wasaaraha. 

Dhinaca kale, dad ka mid ah kuwa siyaasadda gorfeeya, waxay  u sababaynayaan goolka laga dheliyey iyo guusha laga gaaray Xassan Cali Khayre  markii ay garabkiisa ka baxeen saaxiibbo badan oo uu isku halaynayay, waxaanna dadka qaar ay iswaydiinayaan sida ay ku dhacday in; Xassan Cali Khayre muddadii uu xilka hayey isaga oo  hormuud u ahaa guulaha inta badan loo nisbeeyo Dowladda; haddeey tahay dhismaha hannaan maaliyadeed oo adag, yagleelida haykal ciidan, la dagaalanka musuqmaasuqa, haddana in uu dagaal galay isaga oo aan diyaar-garoobin.

Markii uu lahaa doorashadu waa in aysan dib u dhicin waxaa muuqatay inuu tumayay muusik aanu jeclaysan madaxweynaha iyo saaxiibadii, waxaa la is lahaa, haddii ay madaxwaynaha is qabtaan, ugu yaraan wuxuu helayaa saaxiibo badan oo Baarlamaanka iyo Xukuumadda ku jira oo isgarab taagi doonaan, taasi ma dhicin maalin cad ayaa laga adkaaday, sidii ay wax u dhaceen waxay ku tuseysaa in aan la isku halayn karin siyaasada Soomaaliya, oo xaaladu tahay “siyaasadu saaxiib joogta ah ma laha, ee dan joogtaa ayeey leedahay” 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here