Tallaabooyinkii U Dambeeyey Ee Villa Somali Qaaday ‘Oo Muujinaya Arrin Laga Digay’

0
380

Agaasimihii hore ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cabdisalaan Salwe oo sidoo kalena falanqeeya arrimaha Soomaaliya ayaa ka hadlay tallaabooyinkii u dambeeyay ee ay qaadeysay Villa Somalia oo qeyb ka aheyd xil ka tuuristii Kheyre.

Cabdisalaan Salwe oo qeyb ka ahaa dood ay qabatay idaacada BBC-du ayaa ka hadlay waxay muujinayaan tallaaboyinkaasi, isagoona hoosta ka xariiqay in Baarlamaanka oo gacan ka helaya Villa Somalia uu carqalad ku yahay doorashooyinka dalka.

Waxa kale oo uu sheegay in xiligan uu baarlamaanku uusan rabin in dalka ka qabsoomto doorasho loo dhan-yahay oo xiligeeda ku dhacda, taasi oo horseed u noqoneysa muddo kororsi aan sharci aheyn.

Salwe ayaa tallaabooyinka Villa Somalia ku macneeyay kuwo muujinaya in loogu gogol xaadhayo muddo kororsi, kaasi oo uu qeyb ka yahay guddoonka baarlamaanka oo hore u sheegay in sharciyada doorashada iyo arrimaha la xiriiraba ay iyaga kaligood go’aan kasoo saari karaan.

“Sida ay Villa Somalia iyo Baarlamaanku wax u wadaan waxay ka turjumeysaa oo kaliya in la rabo muddo kororsi. Dhamnmaan arrimihii dhacay marka aad eegto waxay ku tusinayaan in Baarlamaankan jira uu carqalad ku yahay doorashooyinka, oo uusan rabin inay doorasho dalka ka dhacdo” ayuu yiri Cabdisalaan Salwe.

Wuxuuna intaas sii raaciyey ” Waxayna abuuran xaalado dalka galin kara muran siyaasadeed, kuwaasoo ugu dambeyn keena in muddo kororsi la sameysto, kaasi oo carqalad ku ah qabsoomida doorashada”.

Villa Somalia ayaa la rumeysan yahay in muddooyinkii dambe ku howlaneyd hirgelinta qorshaheeda muddo kororsiga, taasi oo keentay in muddo kooban waxyaabo badan is-bedelaan, inkasta oo laga deyrinayo isbedelada ay ku hirgelineyso qorshahaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here