Ciidammada AMISOM Oo Saldhig Loogu Samaynayo Meel Xuduudka Somaliland U Jirta 60KM

0
252

Ciidammada Nabad-ilaalinta Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa la sheegay in Saldhig looga samaynayo meel ka baxsan Soomaaliya oo ah gudaha dalka Itoobiya.

Sida Wargeyska baahiyaha xogaha qarsoon ee Indian Occean uu sheegay Saldhigga Tababbarrada Ciidammada AMISOM ee xilligan ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa loo rarrayaa Magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

War-sidaha Indian Occean oo Wargeyska Geeska Afrika soo xigtay ayaa sheegay in Dawladda Maraykanku ay shirkad fadhigeedu yahay Maraykanka oo Magaceedu yahay (PAE), Qandaraas ku siisay inay diyaariso adeegyada aasaasiga ah ee Saldhigga Tababbarka ee AMISOM looga dhisayo Magaalada Jigjiga, taasi oo ku taalla meel 60KM u jirta xuduudka Somaliland.

Qandaraaska Shirkadda (PAE) la siiyey ayaa ku kacaya $13.6 million oo Lacagta Maraykanka ah.

Ciidammada AMISOM waxa Magaalada Muqdisho Xaruntooda Guud ahayd illaa sannadkii 2007-dii, waxayna dagaal kula jireen dagaalamayaasha Al-shabaab, iyagoo taageeraya Ciidammada Maxaliga ah ee Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidammadan ka socda Qaaradda Afrika ee AMISOM ayaa sidoo kale qayb ka ahaa Tababbarrada Ciidammada Soomaaliya.

Illaa hadda ma cadda, sababta loo qaatay Go’aanka Saldhigga Ciidammada AMISOM ee Muqdisho loogu rarrayo Dalka Itoobiya, kaasi oo taageero siinayey Hay’adaha Dawladaha Federaalka ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here