Diig Siddeed Bilood U Xirnaa Dambi Layaab Leh Oo Lasii Daayay

0
485

Maxkamad ku taalla degmada Ghotami, oo ka tirsan gobolka Sindh ee dalka Pakistan, ayaa amar ku bixisay in xabsiga laga sii daayo diiq gacanta booliska ku jiray, laguna wareejiyo qofkii lahaa.

Shan digaag oo uu ka mid ahaa diiqa lasii daayay ayaa ku jiray xabsi ku yaalla saldhigga booliska ee Sindh, afartii kalena wali waxay ku jiraan gacanta booliska.

Ciidanka amniga ayaa xayawaannadaas la xiray dadkii lahaa, kaddib markii laga qeyb galiyay tartan dagaal ah oo loo qabto diiqyada.

Dhawaan ayuu nin ka mid ah dadka deegaanka Ghotki, oo lagu magacaabo Zafar Meerani, ka codsaday garsooraha maxkamadda rayidka inuu digaaggaas kasii daayo booliska, dibna loogu celiyo dadkii lahaa.

Ninkan, oo ka shaqeeya magaalada Karachi, ayaa sheegay in isagu uu la wareegi karin mas’uuliyadda dhammaan xayawaannadaas.

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn aqbashay codsigii Zafar Meerani, waxaana booliska lagu amray inay siiyaan hal diiq, amarkiina waa la fuliyay.

Kharashka digaagga waxaa laga bixiyaa booliska jeebkooda

.

Mumtaz Sirki, oo ah taliyaha saldhigga, ayaa sheegay in dadkii eedeysaneyaasha ahaa lagu sii daayay damiin, laakiin shanta diiq looga tagay halkaas, iyaguna aysan iska fasixi karin ilaa ay maxkamad go’aan ka soo saarto.

Askarta ku sugan saldhiggaas ayey waajib ku tahay inay digaaggaas amnigooda xaqiijiyaan.

Taliska booliska ayaa sheegay in digaagga aan meel xabsi ah la galinin, balse lagu hayay goob dusha sare ka bannaan oo xeyndaab leh.

Hase ahaatee, xargo ayaa uga xiran lugaha.

Dhibaatada ay booliska ku qabaan heynta digaaggan ayaa ah inay cunaan raashin maalintiiba ay ku baxdo qiyaastii 100 rubi oo lacagta dalkaas ah, booliskuna ay ku khasban yihiin inay lacagtaas jeebkooda ka bixiyaan.

Mid ka mid ah askarta ayaa si gaar ah loogu xil saaray inuu ka warhayo xayawaannadan, haddii ay xanuunsadaanna waxaa la tusayay dhakhaatiirta xoolaha.

Askarta ayaa sheegay inay mas’uuliyad weyn iska saaraan sidii digaaggan ay uga badbaadi lahaayeen bisadaha iyo eeyaha cuni kara, maadaama haddii ay dhibaato gaarto ay maxkamad waji doonaan.

Sidey ku galeen saldhigga booliska?

हिरासत में मुर्ग़ा

Booliska ayaa digaaggan xiray bilo ka hor, markaasoo ay lasoo qabteen dhowr iyo labaatan ruux oo kale.

Dhammaan dadkii ayaa la damiintay, laakiin cidna ma sheeganin milkiyadda digaagga.

Markii lasoo xirayay waxay ku jireen tartanka dagaalka digaaga labka ah.

Ciyaarta loo qabto dagaalka digaagga ayaa aad looga xiiseeyaa deegaannada miyiga ah ee dalka Pakistan.

Inta ay tartamada noocan ah socdaan, dadka ka qeyb gala daawashadooda ayaa lacag isu dhigta, si loo abaalmariyo qofkii uu guul soo hoyiyo diiqii uu taageerayay.

Marar badan waxay diiqyada tartankaas ka qeyb galaya ku dhintaan dagaalka.

Arrin dhinaca sharciga dambi ka ah

Dalka Pakistan, waxaa dambi ka ah in diiq la isugu geeyo fagaare oo la dagaallansiiyo. Waxaa sidoo kale mamnuuc ah in dibiyada tartan loo qabto, sida marar badan ka dhacda dalkaas.

Cid walba oo arrintaas lagu helo ayaa muteysaneysa ciqaab hal sano oo xarig ah ama ganaax lacageed oo dhan 500 oo rubi.

Sida ay booliska sheegeen, lo’da ayaa haddii tartamada noocaas ah lagu qabto waxaa loo diraa xarumaha dowladda ee xoolaha. Laakiin ilaa hadda ma jiro sharci muujinaya waxa laga yeelayo digaagga dambiyadaas lagu soo qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here