Xog: 5 Bil Kadib Farmaajo Oo Weli Aan Bixin Lacagtii Uu U Ballan Qaaday Caruurta Iyo Xaaskii Cabdinaasir Gacal

0
414

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa muddo shan bil ah kadib wali bixin lacag uu ka ballan qaaday hooyado iyo carruur mataano ah oo geeridiisa kadib u dhashay weriye Cabdinaasir Cabdulle Gacal, oo ka tirsanaa sawir qaadayaasha warbaahinta qaranka.

Marxuum Cabdinaasir Cabdulle Gacal, ayaa 14-kii bishii August ee sanadkii hore ku geeriyooday dagaal ay Al-Shabaab ku soo qaadeen ciidankii uu la socday oo ku sugnaa degmada Awdheegle ee gobalka Shabeellada Hoose.

Caruurtaan oo mataano ah ayaa dhashay bishii Maarso ee sanadkaan, waxaana 12-kii bishaas Isbitaalka Yardimeli ku booqday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo waalidka u soo balan qaaday inuu ka bixin doono wixii qarash ah ee lagu leeyahay, sidoo kalane uu biil joogto ah meel u saari doono caruurtaas iyo hooyadood.

“Tan iyo maalintaas ma arkin madaxweynaha iyo dadkii ka tirsanaa madaxtooyada ee noo dhaxeeyay, wali rajo ayaa ka qabnaa waxaana aaminsanahay inuu mashquulay maalina aan heli doonno wixii naloo ballan-qaaday,” ayey tiri haweeney ka tirsan qoyska Gacal oo aan qarinay magaceeda sababo badan aawgood.

Qoyskan ayaa markii gabadha ay u mushay waxaa lacag saddex kun oo dollar ah siiyey ra’iisul wasaare Kheyre, oo aan isku soo sawirin si la mid ah madaxweynaha, balse Farmaajo ayaan illaa hadda laga helin xitaa hal dollar.

Allaha naxariistee Cabdinaasir Cabdulle Gacal, ayaa ka tirsanaa sawir qaadayaasha magaalada Muqdisho kuwa ugu xirfada fiican, waxa uuna si lacag la’aan ah ugu shaqeynayay dowladda Soomaaliya oo markaas u baahatay.

Hal sano kadib geerida Weriye Gacal waxaa wali dayacan qoyskiisa, waxayna dalbanayaan in madaxweynaha uu ka dhabeeyo ballan-qaadkiisa, ayaga oo aamisan inuu soo xusuusan doono mar ay ahaataba.

Qoyska ayaa hadda waxaa caawiye weriyayaasha magaalada Muqdisho qaarkood, oo bil walba isku dara min 10 dollar, kadibna siiya hooyada dhashay ilmaha Gacal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here